Welcome to SomaliNet Forums, a friendly and gigantic Somali centric active community. Login to hide this block

You are currently viewing this page as a guest. By joining our community you will have the ability to post topics, ask questions, educate others, use the advanced search, subscribe to threads and access many, many other features. Registration is quick, simple and absolutely free. Join SomaliNet forums today! Please note that registered members with over 50 posts see no ads whatsoever! Are you new to SomaliNet? These forums with millions of posts are just one section of a much larger site. Just visit the front page and use the top links to explore deep into SomaliNet oasis, Somali singles, Somali business directory, Somali job bank and much more. Click here to login. If you need to reset your password, click here. If you have any problems with the registration process or your account login, please contact us.

Madaxweynaha Mareeg State oo ka digay Khilaafka

Dadka ku dhaqan ama ka imaaday gobolkan

Moderators: Moderators, Junior Moderators

OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE
User avatar
TheblueNwhite
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 11301
Joined: Mon Feb 14, 2011 2:34 pm
Contact:

Madaxweynaha Mareeg State oo ka digay Khilaafka

Postby TheblueNwhite » Mon Apr 23, 2012 5:41 pm

hogaamiyayaasha dawlada.

Image

Isniin, April 23, 2012 (HOL) - Madaxweynaha Maamulka Mareeg State ayaa ka digay khilaaf soo kala dhex gala hogaamiyayaasha dawlada xilligan oo lagu gudo jiro xaalad kala guur ah.

Isagoo waraysi gaar ah siinayay Hiiraan Online ayaa Dayib Maxamuud Sheekh Axmed uu nasiib darro ku tilmaamay khilaaf ay maalmahaan saxaafadu hadal haysay oo la sheegay inuu u dhexeeyo madaxweyne Shariif iyo ra’iisul wasaare C/wali.

Dhanka kalana Dayib ayaa ka hadlay xaaladda kala guur ah ee dalku uu haatan ku jiro isagoo sheegay in marxalada haatan Soomaaliya ay ku jirto looga gudbi karo oo kaliya in la helo hogaan tayo leh oo wadaninnimo ku jirto.

“Soomaaliya waxay u baahantahay inay hogaamiyaan dadkeeda waxbartay ee wadaniyiinta ah, waan kasoo daalnay in reer hebel meel lagu tago” ayuu yiri madaxweynaha Mareeg State.

“Waxaan ugu baaqayaa odayaasha dhaqanka ee soo xulaya xildhibaannada iyo golaha ansixinaya dastuurkaba, inay soo xulaan dad waayo arag ah, oo leh aqoon, horayna aan dalka dambi uga galin oo la ogyahay inay yihiin dad waddankooda jecel” ayuu sii raacshay.

Dayib ayaa ku boorriyay qurbo-joogta Soomaalida inay ka qaybqaataan dib u dhiska dalkooda.

“Qurbo-joog ayaan ahay aniguba waxaana igu dhaliyay inaan dalka ku soo noqdo markaan arkay baahida jirta, caqligii iyo aqoontii dalka waxaa lala soo aaday qurbaha waana in dalka dib loogu celiyaa” ayuu markale yiri Dayib.

Waxaa kale oo uu sheegay in maalmihii lasoo dhaafay uu kulamo kula qaatay Uganda iyo Kenya masuuliyiin sare oo ka tirsan kuwa wadamada gobolka iyo caalamkaba uuna kala hadlay xilliga kala guurka.

Hadalka madaxweynaha Mareeg State ayaa ku soo beegmay xilli Soomaaliya ay marayso marxalad xaasaasi oo la isu diyaarinayo doorashada dhici doonta August iyo is badallada kale ee ka horreeya.

Axmed Cabdisamad, Hiiraan Online
asamad@hiiraan.com
Nairobi , Kenya

OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE

Hello, Has your question been answered on this page? We hope yes. If not, you can start a new thread and post your question(s). It is free to join. You can also search our over a million pages (just scroll up and use our site-wide search box) or browse the forums.

  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Provinces - Galguduud”

Who is online

Users browsing this forum: No registered users and 3 guests