April 28, 2012

By staff-reporter
Awdalpress(Hargaysa) 27 Apr, 12–Guddoomiye ku-xigeenka Xisbiga Mucaaridka ah ee UDUB Axmed Yuusuf Yaasiin, ayaa Maxkamadda Sare ee Distooriga ah u gudbiyey Dacwad ka dhan ah Guddoomiyaha Xisbigaasi Daahir Rayaale Kaahin, taas oo salka ku haysa talo maroorsi iyo guddoomiyenimada Rayaale ee Xisbiga UDUB.
Dacwadan, oo todobaadkan Guddoomiye ku-xigeenka Xisbiga UDUB Axmed Yuusuf Yaasiin u gudbiyey Maxkamadda sare, ayaa waxa uu kaga dalbaday in Maxkamadu aanay u aqoonsan Daahir Rayaale Kaahin Guddoomiyaha Xisbiga UDUB ee sharciga ah, isla markaana ay xayiraad Maxkamaddu saarto guud ahaanba hawlaha Xisbigaasi inta khilaafka sharci ee xisbiga UDUB ay Makamaddu go’aan ka gaadhayso.
Sida uu Qoray Wargeyska SAXANSAXO, qoddobada dacwadda uu Axmed Yuusuf Yaasiin u gudbiyey Maxkamada sare, ayaa waxa ka mid ahaa In Maxkamaddu Aqbasho in aanu Daahir Rayaale ahayn Guddoomiyaha Xisbiga, iyada oo tix gelinaysa Qodobka 11.7 XGXU, In Maxkamaddu Diido Jawaabta Daahir Rayaale Kaahin, in Maxkamaddu Aqbasho Racfaanka Dacwaddan Inay Maxakamddu Baab’iso Go’aanka Guddida Diiwaan Gelinta ee ku taariikhysan 17/04/2012, In Maxkamaddu Farta ugu fiiqdo Guddida Diiwaan gelinta Wax qabadka Xisbiga Sida Shirkii Golaha dhexe iyo Go’aankii kala saarista Musharaxa iyo Guddoomiyaha Xisbiga iyo In Maxkamaddu Xayiraad Saarto Xisbiga UDUB inta ay Go’aan rasmi ah ka gaadhayso Khilaafka Xisbiga.
Dhinaca kale, Qoraal uu guddoomiye ku xigeenka Xisbiga UDUB Axmed Yuusuf Yaasiin u gudbiyey Guddida diiwaan gelinta oo nuqul ka mid ah uu heley Wargeyska Saxansaxo, ayaa waxa uu nuxurkiisu tilmaamayaa heerka uu gaadhsiisan yahay khilaafka u dhexeeya garabyada Xisbiga UDUB u qaybsan yahay.
Qoraalkan Guddoomiye ku xigeenka UDUB, ayaa waxa uu ku doodayaa in talaabooyinkii uu qaaday isagu intii uu Xisbiga ka maqnaa Guddoomiyaha Xisbiga UDUB Daahir Rayaale Kaahin ay sharci ahaayeen, waxaanu ku eedeeyey Daahir Rayaale inuu Golaha dhexe iyo Guddida fulinta ku darsaday Xubno dheeraad ah oo ka badan intii uu sharcigu siinayey.
Sidoo kale Axmed Yuusuf Yaasiin waxa uu Qoraalkiisan ku dooday in sharciga Xisbigu dhigayo, haddii uu Guddoomiyaha Xisbigu ku guuldareysto hal mar Murashaxnimada Madaxweynaha dalka uu banaynayo Jagada Guddoomiyenimada Xisbiga, isaga oo tibaaxay in Daahir Rayaale Guddoomiyenimada Xisbiga hadda ku joogo tixgelin, hase yeeshee aanu sharci ahayn joogitaankiisu, waxaanu sheegay in aanay wakhtigan wixii ka danbeeya aanay wax ixtiraam ah siin doonin, Maadaama oo joogitaankiisu ay ka hor imanayaan Xeerka iyo Shuruuda u taala Xisbiga UDUB.
Si kastaba ha ahaatee, Khilaafka ka dhex alloosan Xisbiga UDUB, ayaa u muuqda mid sii xoogeysanaya,kaas oo garabyada Xisbigaasi u kala qaybsan yahay ku sii kala fogaanayaan, iyada oo dacwadan iyo Qoraalada uu u Gudbiyey Maxkamadda iyo Guddida diiwaangelinta Ururada Axmed Yuusuf Yaasiin ay muujinayaan in Hogaanka sare ee Xisbigaasi uu khilaaf culusi u dhexeeyo, iyada oo hogaanka sare ee Xisbigaasi ku guuldareystay in ay xaliyaan khilaafkooda.”





