TUKARAQ: Ciidanka Khatumo oo la wareegey Kastamka Tukaraq
Ciidanka Maamulka Khatumo State ayaa la wareegey maamulka Kastamka ee Tuulada Tukaraq ee gobolka Sool, halkaasi oo ay ku sugnaayeen Ciidamo taageera Puntland kuwaas oo Canshuurta qaadi-jirey.
Dagaal kama dhicin markii Ciidanka Khatumo Kastamka la wareegeen, waxaa la sheegey in Ciidamadii ku sugnaa ay qaddiyadooda ay badaleen ayna sheegeen in ay taageersan yihiin maamulka Khatumo ayna hadda kadib la shaqeyanyaan. Hase ahatee, Ciidamo isla deegaankaasi ah oo taageersan Puntland ayaa weeraray xaley waxaana la sheegey in 2 laga diley.
Kastamka Tukaraq, ayaa waxaa maamuli jirey Ciidamo taageersan Puntland kuwaas oo deegaanka ah, waxayna ahayd meesha kaliya ee Puntland si buuxda uga joogtey gobolka Sool.
Lama garan-karo tallaabada uu maamulka Puntland uu qaadi doono ee uu ku wajihi doono arintan soo korortey.
Puntlandpost.com





