Saraakiisha iyo Madaxda Amniga Puntland oo dhamaantood gaaray Caasimada Gobolka Hayland ee Dhahar
Wafti balaaran oo uu horkacayo Wasiirka wasaarada Amniga ee Dawlada Puntland Gol.Khaliif Ciise Mudan ayna kamidyihiin Taliyaha guud ee ciidanka Booliska Puntland Jen.Maxamed Siciid Jaqanaf, Taliye xigeenka guud ee booliska Gol.Muxiyadiin Axmed Muuse, Taliyaha ciidanka gaarka ah ee la dagaalanka Argagixisada Gol.Cali Daahir, Taliyaha qaybta booliska ee gobolka bari G/lle,sare Cismaan Xassan Cuuke (Afdalow), Saraakiil katirsan Wasaarada Amniga ee Puntland oo uu kamidyahay Gol.Cabdiwaaxid iyo xubno kale oo aad u farabadan oo kamid ah Saraakiisha Amaanka ee dawlada Puntland ayaa goordhawayd si diiran loogu soo dhaweeyey magaalada Dhahar ee xarunta gobolka Haylaan ee Puntland.
Wafiga uu horkacayo Wasiirka Amniga ee Puntland ayaa saaka hiirtii waaberi ka kalahay magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari iyagoona si degdeg ah uga jawaabayey Weerar ay Malayshiyaadka Alshabaab ee buuraleyda Galgala kusoo qaadeen Magaalada Afurur oo ku dhow Magaalada Boosaaso, Waftiga ayaa saaka goorhoreba gaaray magaalada Afurur iyagoona markii danbe hore uga sii dhaqaaqay una sii gudbay magaalooyinka kale ee gobolka dabadeedna gaaray magaalada Dhahar ee xarunta gobolka Haylaan iyagoona safarkoodu noqonayo mid shacabka lagu dhiirigelinayo laguna muujinayo sida ay dawlada markasta uga go’antahay ka shaqaynta difaaca Puntland.
Gol.Khaliif Ciise Mudan oo goordhawayd Puntland la hadlay ayaa sheegey inay si nabad ah u gaareen magaalada Dhahar ayna halkaas u tageen si ay uga dabatagaan malayshiyadii xalay sida dhuumaalaysiga ah usoo gashay Duleedka Dhahareed isagoona sheegey in shacabka ay kulamo la qaadan doonaan islamarkaasna ay kala hadli doonaan arimaha xasaasiga ah ee imika jira, Waa xubnihii amaan ee ugu faraha badnaa ee gaarta magaalada Dhahar mudooyinkii u danbeeyey waxaana ay taasi ka turjumaysaa awooda Puntland ee deegaanada Sanaag ee Puntland.
Wixii kasoo kordha Safarka Wasiirka Amaanka iyo Sawirada Waftigan meelaha jiidaha ah ee ay booqdeen goordhow Puntlandi kalasoco.





















