Postby grandpakhalif » Tue Jun 12, 2012 12:35 pm
Gedo(GMN) Wararka naga soo gaaraya Gobolka Gedo ee koonfur galbeed soomaaliya ayaa soo sheegaya inay magaalada Balad-xaawo oo ku taala xadka labada wadan ee Soomaaliya iyo Kenya ay isaga baxeen ciidamadii Itoobiya ee deegaankaasi ku sugnaa muddo ka badan hal sanno iyo dheeraad, ilaa iyo hadana si rasmiya looma oga ka bixitaankaan qarsoodigaa ee ay itoobiya u banaysay Balad-xaawo.
Maanta galinkii hore ayaa dadweynaha magaalada waxay ku baraarugeen militariga itoobiya oo xirxirtay agabkoodii u yiilay halkaasi ayna u jihaysteen dhanka degmada Doolow ee xadka labada dal ee Itoobiya iyo soomaaliya, wararka ayaa intaasi ku daraya in ciidankan oo daganaa duleedka waqooyi ee magaalada halka loo yaqaan (tuulo aamiin) gabi ahaanba ay ka kaxaysteen dabaabaadkoodii xooganaa iyo hub fara badan oo halkaasi u yiilay sida ay soo sheegayaan wararka aynu ka helayno dadka ku sugan gudaha Balad xaawo.
Goob-jooge magaciisa ku soo koobay Max’uud ayaa Gedoonline u sheegay inuu indhihiisa ku arkay gawaari u badan nooca loo yaqaan Uuraalka inay u dhaqaaqeen dhanka Dooloow, ” Anoo ku sugan duleedka magaalada ayaan hal mar dareemay dhaqaaqa ay samaynayaan ciidamada itoobiya oo waliba wata hub iyo gaadiid culus oo dhanka waqooyi ku jihaysan ” ayuu yiri Max’uud.
Magaalada ayaa hada caadi ah mana jiro wax isbada oo sidaa u buuran oo la dareemay waxaana magaalada hada ku sugan ciidanka DFK iyo kuwa ASWJ waxaana wararku ay soo sheegayaan inay bilaabeen dhaqaaq maadaamaa laga cabsi qabo inay alshabaab soo hunguriyeeyaan.
Fariisamadii militariga Itoobiya oo ay ugu horayso tuulada aamiin ayaa hada haawanaya mana jiraan wax ciidana oo ku sugan, mid ka mida odoyaasha magaalada ayaa Gedoonline u xaqiijiyay inay suura gal tahay inay ciidamada Itoobiya ku soo laabtaan magaalada waxaana la saadaalinayaa inaysan magaalada aad oga fogayn.
Ka bixitaanka itoobiya ee Balad xaawo ayaa ku soo aadaysaa ka gadaal laba maalin ka hor markii ay baneeyeen degmada Ceel-buur iyo Tuulada Wabxo oo ka wada tirsan Gobolka Galguduud labadaas deegaan waxaa hada la wareegay xoogaga alshabaab.
Degmada Balad xaawo ee Gobolka Gedo oo ku taala Galbeedka Gedo ayaa muddo waxaa gacanta ku hayay ciidanka DFK ee Somaliya,kuwa daacada u ah ASWJ iyo ciidamada itoobiya iyo kuwa keenya oo marmarka qaar xadka ku soo dhawaada kuwaasoo xulufo ahaan is garabsanayay tan iyo markii dagaal hubaysan ay kala wareegeen xoogaga alshabaab oo hada Gedo kaga harsan magaalada Baardheere.
Balad xaawo ayaa ka mid ahaa magaalooyinkii soo kobcayay dhinacyada hormarka iyo ganacsigii xiligii dawladii AUN C/laahi yuusuf Axmed waxaana dib u burburiyay dagaaladii ku dhex maray Alshabaab iyo ciidamada DFK ee Somaliya,kuwa Itoobiya Iyo kenya oo isgarabsanaya.
Dhinaca Kale warar laga helayo Degmada Luuq ayaa sheegaya inay todobaadkii ugu danbeeyay ay magaaladaasi soo gaareen ciidamo fara badan oo Itoobiyaana kuwaasoo wata hubka dagaalka iyo gaadiid aad u fara badan kuwaasoo dhaqdhaqaaqooda laga dareemayo buundada Magaalada iyo duleedka gaar ahaan xiliyada habeenkiiya, Nin dhalin yaraa oo lagu magacaabo C/raxman shaakaal oo Luuq jooga ayaa Gedoonline u sheegay inay ciidanka magaalada soo galaan xiliyada habeenkiiya intooda badan isla habeenkii ay gudbaan afkana saara jidka aada magaalada baydhabo.
Ciidankan oo aysan ilaa hada cadayn halka ay ku jihaysan yihiin ayaa wararku qaar waxay sheegayaan inay xoojinayaan furimaha dagaalka ee Gobolada koonfur galbeed ee Soomaaliya waxayna ku soo beegmaysaa xili ay isaga baxeen deegaano ku kala yaal Gobolada Gedo iyo Gal-guduud.
Cabdirisaaq Cali Cabdi (Silvar)