
Sanca: (Sh. M. Network) Madaxweynaha dalka Yemen Cabdi Rabbi Mansuur Haaddi oo Saxaafadda kula hadlay Magaalada Sanca ee Xarunta dalka Yemen ayaa si kulu u cambaareeyey qaraxii Ismiidaaminta ahaa ee ka dhacay Magaalada Cadan ee dalka Yemen kaasi oo lagu dilay Sarkaal sare oo ka tirsanaa Ciidamada dalkaasi.
Cabdi Rabbi Mansuur Haaddi ayaa waxa uu sheegay in ruuxii ka dambeeyay qaraxaasi uu ahaa nin Soomaali ah, isagoo sheegay in sanadadii ugu dambeysay uu ku sugnaa dalka Yemen.
Madaxweynaha Yemen ayaa u tacsiyadeeyay dhamaan Ehelladii uu ka geeriyooday Sarkaalkii ku dhintay qarixii Ismiidaaminta ahaa ee la sheegay in uu fuliyay Muwaadin Soomaali ah, isagoo xusay in qaraxaani uu keeni doono shaki soo kala dhex gala Muwaadiniinta Soomaalida ah iyo shacabka ku nool dalka Yemen, waxaana uu ugu baaqay Muwaadiniinta Soomaalida ah inay ka fogaadaan falalka aargigixisonimo.
Cabdi Rabbi Mansuur Haaddi ayaa waxa uu intaasi ku darray in dhibaatada uu ku geeriyooday Sarkaalka ka tirsanaa Ciidamada ammaanka ay ka dhacday meel u dhow gurriga uu deganaa Sarkaalka oo ku yaalla Bartamaha Magaalada Cadan, iyadoo lagu weeraray gaari uu saarnaa Sarkaalkaasi, gaari kale oo laga soo buuxiyay waxyaabaha qaraxa.
Shalay ayay aheyd markii Saalim Cali Qadan oo ahaa Sarkaal Yemeni ah lagu dilay qaraxa Ismiidaamin ah, iyadoo Mas’uuliyadda qaraxaasi la sheegay in uu lahaa Muwaadin Soomaaliyed.
Jabarti kids in danger after skinny somali blew himself up:




