


Marka ( DHM-News ):- Magaalada Marka ee xarunta gobolka Shabeellaha Hoose waxaa ka socda tartan Qur’aan akhris ah kaasi oo loo qabtay dagaalyahano katirsan Al shabaab, tartanku waxa uu ka socdaa masjid ku yaalla gudaha degmada Marka.
Tartanka oo ay qabanaayaan Culimo’udiin waa weyn ayaa waxaa loo qabtay dagaalyahano shabaab katirsan oo laga so ururiyey gobolada ay dalka ka maamulaan.
Dagaalyahanada Al shabaab katirsan ee Qur’aanka ku tartamaaya waxay wataan hubkoodii iyo gaadiidkoodii, waxaana lagu tartamaayaa qaybaha kala duwan ee Quraan sida 10-jus, 20-jus iyo 30-jus.
Waa tartankii ugu horeeyey oo ay Ciidamo Meleteri hubaysani Qur’aanka kariimka ugu tartamaan gudaha Soomaaliya inta taariikhda la xusuusan yahay abid.
Al shabaab ayaa oo ah urur ka dagaalama Soomaaliya waxay maamulaan gobolo kamid ah Soomaaliya, waxaa xusid mudan in degmada Marka ee tartanku ka socdo ay tahay goobaha ay sheegeen saraakiisha Ciidamada Dowladda in ay duulaan ku yihiin.




