
Sheekh C/qadir Cali Muumin : " Waxaan ugu baaqayaa dadka reer kismaayo inay u istaagaan dagaal ay la galan cadawga duqeynta u geysanaya.."
Mogadishu Khamiis 16 August 2012 SMC
Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!
Sheekh C/qadir Cali Muumin : " Waxaan ugu baaqayaa dadka reer kismaayo inay u istaagaan dagaal ay la galan cadawga duqeynta u geysanaya.."
Mid ka mid ah saraakiisha Al-Shabaab oo lagu magacaabo Sheekh C/qaadir Cali Muumin ayaa ka hadlay duqaymaha loo gaystay Magaalada Kismaayo, iyadoo duqayntaasi ay dhibaato ka soo gaaratay dad rayid ah, sidoo kale duqayntaasi waxaa wax ku noqday caruur aad u yar yar.
Sheekh C/qaadir Cali Muumin waxaa uu sheegay inuu si aad ah u cambareynayo duqeynta ay shacabku wax ku noqdeen ee Kismaayo loo geestay, " Waxaan ugu baaqayaa dadka reer kismaayo inay u istaagaan dagaal ay la galan cadawga duqeynta u geysanaya" ayuu yiri Sheekh C/qaadir Cali Muumin.
Waxa uu sidoo kale sheegay Sheekh C/qaadir Cali Muumin in duqeynta loo geysanayo dadka shacabka ah ee Soomaliyeed Mudo dheer ay soo socotay, waxa uu sheegay oo kale sarkaalkaasi in la dhibaateeyay dad badan oo muslimiin ah, wuxuuna sheegay inay taasi ka dambeeyeen ciidamada Kenya.
Sheekh C/qaadir Cali Muumin ayaa shacabka Kismaayo ku dhiirigeliyay inay u istaagaan dagaal ka dhan ah cadawga isa soo bahaystay waa sida uu hadalkiisa ku yiri warka u siiyay warbaahinta taageerta Al-Shabaab.
Dhinaca kale dowlada Kenya ayaa lagu eedeeyay inay ka dambeyso duqeymaha Kismaayo, welina kama hadlin duqeyntaasi walina si rasmi ah looma cadeyn in ay Kenya ay duqeyntaas geysatay iyo in kale, hase ahaatee duqeymaha nuucaan oo kale ah ayaa waxaa ay ku soo badanayeen gobolada koofurta Soomaaliya mudooyinkaan dambe.
Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com
www.somaliweyn.com




