
Cadaado oo gobol isku diyaarinaysa iyo wadooyin laami ah oo laga dhisayo (dhagayso).
Magaalada Cadaado oo hadda ah caasimada maamul goboleedka Ximan iyo Xeeb ayaa waxa ay isu diyaarinaysaa caasimad gobol dhawaan dawlada cusub ee Soomaaliya magacaabayso sida ay sheegeen madaxda sare ee Ximan iyo Xeeb.
Axmed Salaad Ibraahim waa gudoomiyaha dagmada Cadaado waxa uu maanta shaaca ka qaaday inay magaalada dhawaan ka bilaabanayaan mashaariic kala duwan oo dhanka dhismaha wadooyinka iyo bilicda u badan si loo kasbado in Cadaado ay gobol cusub caasimad u noqoto.
Ilaa lix wado oo Laami ah ayaa magaalada dhawaan laga hirgalinayaa sida uu sheegay Axmed Salaad, iyadoo ay dhinac socdaan mashaariic kale oo lagu dhisayo garoonka ciyaaraha magaalada, Xarunta dagmada iyo dhismayaal kale.
http://www.goboladaradio.com/?p=1525
as for the rest of the HGs





