If it is true that you have to have at least 20 mps endorse your candidacy, then we can only have 13 candidates max running for president. This is great news!Muqdisho [Radio RBC] Iyadoo hal maalin ay ka hartay xilliga loogu talagalay qabashada araajida doorashada shaqsiyaadka doonaya in ay ka qeyb qaataan doorashada madaxweynaha dalka Soomaaliya, ayaa maanta guddiga doorashada waxa ay shaaciyeen musharrixiinta ilaa hadda soo buuxiyay shuruuradaha laga doonayo.
Afhayeenka guddiga doorashada Xildhibaan Cusmaan Libaax Ibraahim oo saxaafadda kula hadlaayay xarunta golaha Shacabka ee magaalada Muqdisho, ayaa waxa uu sheegay ilaa hadda in ay guddigooda qabteenn 37-musharrax, laakin siddii la rabay ay u soo buuxiyeen shuruudaha shan qof.
“ Ilaa hadda waxa aan heynaa shan musharrax oo siddii la rabay u soo buuxiyay Foomamka oo ay xitaa ku jiraan lacagta 10,000 ee dollar, taasoo lagu shubay Bankiga dhexe” ayuu yiri Cismaan Libaax.
Wuu sii hadlay waxana uu yiri ilaa hadda musharrixiinta foomamka qaatay iyo kuwa doonaya in ay ka qeybgalaan doorashada madaxweynaha waxa uu harsan maalinta berito inay ku soo dhameystiraan ugu dambeyn saacada marka ay tahay 5:00 pm, ayuu sii raaciyay.
Sidoo kale afhayeenka guddiga doorashada waxa uu xaqiijiyay in musharrixiinta shanta ee soo buuxiyay foomamka ay heestaan shuruuradaha ay ka mid yihiin in uu musharrax kasta ilaa 20-xildhibaan.
Hadaba dadka buuxiyay shuruudaha la soo bandhigay waxa ay kala yihiin:-
1- C/raxmaan Macalin Cabdulaahi (Baadiyow),
2- C/wali Maxamed Cali Gaas
3- Cabdulaahi Axmed Cadow
4- Maxamed Cabdulaahi Farmaajo
5- C/waaxid Cilmi Goonjeex
Musharrixiinta aan wali soo buuxin shuruudaha waxa ka mid ah Shariif Sheekh Axmed madaxweynaha uu xiligiisa dhammaaday iyo shaqsiyaad kale oo ka mid ah musharixiinta horey u shaaciyey inay tartanka doorashada madaxtinimada Soomaaliya ay ka qeybgalayaan.
Waxa magaalada Muqdisho ka socota olaha doorashada madaxweynaha dalka Soomaaliya oo lagu wado in ay dhacdo 10-ka bisha September.
Magaalada waxa lagu dhex arkayaa gaadiid ay saaran yihiin cod baahiyaal oo kala taageersan musharrixiinta madaxweynaha iyo sawiradooda, taasoo magaalada ka dhigtay mid mashquul ah.
Waa markii ugu horreysay ee Soomaaliya ka dhacdo doorasho muddo ka badan 21-sano, waxaana magaalada ay ka dhigtay mid ka kabanaysa dagaalada la haray ee wax kasta magaalada seejiyay.





