Waxaa soo badanaaya kuwa xumaan daran u qaba diinta Islaamka iyo Nabigeena Moxammad(SCW) maxaa nala haboon inaan ku dhaqaaqno si aan u gargaarno Nabi Moxammad iyo diinteena Islaamka?
anigu waxey ila tahay intaan mar waliba dhacdooyinka noocaan ah sugi laheyn oo anagoo careysan ku dhaqaaqi laheyn qalalaaso iyo wax la mid ah ! waa inaan ku fekerno sidaan diinta Islaamka aan u bari laheyn kuwan haboobey ee aan fikrad ka heysan diinteena.
Gaaladu horey u saadaaliyaan wax yaalaha ay Muslimiinta ku dhaqaaqi doonaan, mar walibana waxey isku dayaan sideey u shidi lahaayeen si ummadeena si saani ah uga fakerin wax yaalaha ay ku dhaqaaqayaan.
Walaalyaal gaaladu waxey ku riyoodaan inaan ka sii burburno sidaan hada u burbursannahay! sidaas darteed waa inaan iska ilaalinaa khilaafaadka iyo ficil walba oo wax u dhimaaya midnimada Muslimiinta waa inaan hal meel uga soo wada jeesanaa.
Waxaa kaloo haboon inaan is weydiino hadii Nabi Muxammad iyo asxaabtiisa noolaan lahaayeen sideey ula dhaqmi lahaayeen gaalada u soo dhigatey ineey Muslimiinta iyo nabigiisa xumeeyaan..
Waxaan ilaahey ka baryayaa inuu mideeyo Muslimiinta meel walbo ay joogaan.



