Welcome to SomaliNet Forums, a friendly and gigantic Somali centric active community. Login to hide this block

You are currently viewing this page as a guest. By joining our community you will have the ability to post topics, ask questions, educate others, use the advanced search, subscribe to threads and access many, many other features. Registration is quick, simple and absolutely free. Join SomaliNet forums today! Please note that registered members with over 50 posts see no ads whatsoever! Are you new to SomaliNet? These forums with millions of posts are just one section of a much larger site. Just visit the front page and use the top links to explore deep into SomaliNet oasis, Somali singles, Somali business directory, Somali job bank and much more. Click here to login. If you need to reset your password, click here. If you have any problems with the registration process or your account login, please contact us.

Somaliland minister of kaluun disowned fawzia yusuf

Daily chitchat on Somali politics.

Moderator: Moderators

OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE
User avatar
FarhanYare
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 17372
Joined: Fri Jun 17, 2011 10:06 pm
Location: Location:Location

Somaliland minister of kaluun disowned fawzia yusuf

Postby FarhanYare » Tue Nov 06, 2012 1:52 am

FOWZIYO YUUSUF: "Somaliland waa dalkeygii, Soomaaliyana waa dalkeygii, labaduba waa dadkeygii oo waan ka dhexeeyaa"

Isniin, November 05, 2012 (HOL) — Ra'iisul wasaare ku xigeenka ahna wasiirka arrimaha dibadda ee Soomaaliya, Fowziyo Yuusuf Xaaji Aadan ayaa sheegtay inay sii wadayso wadahadal u dhexeeya Soomaaliya iyo Somaliland, iyadoo rajo wanaagsan ka muujisay inay kasoo bixi karto howsha loo dhiibay.

Wasiirka Kalluumeysiga Somaliland, Cabdullaahi Jaamac Cismaan oo BBC-da wareysi siiyay ayaa sheeagy in Fowziyo aysan metelin Somaliland, sidoo kalena aysan imaan karin Somaliland maadama ay ka mid noqotay dowladda Soomaaliya, balse wuxuu xusay inay ka mid noqon karto xubnaha dowladda Soomaaliya u matalaya wadahadallada socda.
"Somaliland waa dalkeygii, Soomaaliyana waa dalkeygii, labaduba waa dadkegyii oo waan ka dhexeeyaa, waxaan filayaa in Alle igu guuleeyo in wadahadalada billowday lagu guuleysto, waxaana u arkaan inaan wax weyn ka qaban karo isku keenidda labada daraf ee uu wadahadalku u billowday," ayay tiri Fowziyo Yuusuf oo wareysi gaar ah siinaysay BBC-da.
Sidoo kale, ma la weydiiyay rajada ay ka qabto inay howsha loo dhiibay kasoo bixi karto ayaa waxay sheegtay inay ku kalsoon tahay inay howshan kasoo bixi karo maadama howsha loo dhiibay ay tahay mid ay wax badan ka garanayso.

"Rajo wanaagsan ayaan ka qabaan inaan xilka kasoo bixi karo, waayo waa howshii aan dooran lahaa, waxaana is leeyahay haween laguma dayin, waayo haweenku waa ka dadaal badan yihiin ragga waana naftood hurayaal marka ay howl timaaddo, waxaana filayaa inaan kasoo bixi karo xilkan," ayay tiri Fowziyo.

Hadalka Fowziyo Yuusuf ee ku aaddan dowladda Somaliland ayaa noqonaya midkii ugu horreeyay oo mas'uul ka tirsan dowladda Soomaliya uu ku dhawaaqo, iyadoo ay tani ay ka dhigayso in dowladda Soomaaliya ay u aqoonsatay Somaliland dowlad gooni ah.

Somaliland ayaa ku dhawaaqday inay Soomaaliya inteeda kale ka go'day labaatan sano ka hor, iyadoo aan weli helin wax aqoonsi caalami ah, waxaase ay weli ku adkeysanayaan madaxda maamulkaas inay ka madaxbannaan yihiin Soomaaliya.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
maxuseen@hiiraan.com
Muqdisho, Soomaaliya
:comeon:

OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE

Hello, Has your question been answered on this page? We hope yes. If not, you can start a new thread and post your question(s). It is free to join. You can also search our over a million pages (just scroll up and use our site-wide search box) or browse the forums.

  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - General Discussions”

Who is online

Users browsing this forum: No registered users and 30 guests