Postby gobdoon » Sat Nov 10, 2012 7:00 am
Anigu ma fahmin , maxaa keenay in aan umada Somaliyeed iyo dawlada cusub , iyo kuligeenba Somalinetna kudar , aynan ka qabin arinta magalada hal fikrad oo midaysan , ayadoo aynu kujirno xili cusub oo larabo somaliya cusub oo higsanaysa horumar , barwaaqo , nabad , is maslaxayn iyo iscafis , oo waxaba mooda 22 sano oo kala daadsanan iyo tafaraaruq ah aynan wax cashar ah ka qaadan , Sida kamuuqata madaxweynaha cusub iyo kooxdiisa uu wato , ma ayan soo dhoweyn kooxaha reer waamo ah oo IGAD la shaqaynaya oo ay ka go'antahay inay magaalada xasiliyan oo maamul u sameeyan , marka looma baahna madaxweynuhu inuu gacanta ku sayro cid walba oo dheho aniga iyo kooxdayda uunba wax samaynaya.