Beesha Siilaanyo oo Kulmiye u nacday beesha galbeedka Hargeysa oo ay ku sheegeen inuu Siilaanyo u afduubanyahay taageeradoodiina Rays u leexiyay
Kulan ay isugu yimaadeen Aqoonyahano, Siyaasiyiin, Culimo, iyo Odayaal waxgarada oo ka soo jeeda Beesha Habarjeclo oo isaga kala yimi gobolada Wadanka Ingiriiska ayaa maalintii Jimcihii 09/11/2012 gelinkii danbe ka dhacay Guri ku yaala Bariga Magaalada London, kulankan waxa ujeedadiisu ahayd sidii beeshu u muujin lahayd taageerada ay u hayso Xisbiga Kulmiye iyo Xukuumada uu madaxweynaha ka yahay Mudane Axmed Maxamed Maxamud ( Siilaanyo ) iyo sidoo kale u diyargarowga ka qayb qaadashada ololaha Xisbiyada iyo Ururadu ugu jiraan golayaasha degaanka iyo u soo bixida Xisbi qaran.
Kulankan oo si habsami ah u bilowday ayaa la iskaga xog waraystay sidii Xisbiga Kulmiye ugu guulaysatay madaxnimada Dalka Somaliland iyo sidii ay beeshu isugu duubnayd xiligii tartankii madaxweynaha iyagoo la kaashanayey beelaha kale ee Reer Somaliland ee ay Xisbiga wada taageersanayeen guushana wada dhaliyeen, is xog waraysigaas ka dibna waxaa loo gudbay oo la is weydiiyey waxa ay Beesha iyo degaanada ay degaan ka faaiideen Hogaankii dalka ee uu Xisbigii Kulmiye ku guulaystay.
Shirka ayaa mar qudha ka leexday ujeedadii la isugu yimi ka dib markii Xubno Siyaasiyiih ah oo Beesha ka tirsani ay Hungo iyo hagardaamo ku tilmaameen halgankii ay la galeen Xisbiga Kulmiye iyo Madaxweynaha maanta talada wadanka haya, Xubnaha Siyaasiyiinta ah oo qaarkood ahaayeen kuwii xiligii Xisbiga Kulmiye Mucaaridka ahaa ugu cadcadaa uguna taageerada badnaa Xisbiga waqti badan iyo hanti badana geliyey guusha Xisbigu gaadhay ayaa ka dhawaajiyey in aan Beesha iyo Degaanku toona ayna helin cadaaladii ay ka filayeen Madaxweyne Siilaanyo.
Xubnahani waxay si qiiro leh uga war bixiyeen ujeedadii Beeshu sida hagar la,aanta ah ugu taageereen Xisbigii Kulmiye oo ay yiraahdeen Beesha iyo Degaanku toona may doonayn xaq aanay lahayn balse waxay beeshu Xisbiga kulmiye ka rabtay in dalka cadaalad lagu dhaqo oo Beelaha Somaliland u sinaadaan Horumarka Dalka iyo awood qaybsigaba, waxay nasiib daro ku tilmaameen in maanta Beeshu ay Xaqdarada ugu weyn kala kulanto Beel ka mida Beelihii ay Xisbiga wada taageeri jireen iyagoo cadeeyey in Beeshaasi aanay haba yaraatee Degaanada Bariga Somaliland waxba u ogolayn haday tahay Horumar iyo haday tahay xilalka wadanka oo lala qaybsado toona, waxay kaloo sheegeen in Beeshaasi ka baxday balankii ahaa in dalka horumarkiisa iyo awood qaybsigiisa lagu qaybsado cadaalad ay ku wada faraxsan yihiin dhamaan reer Somaliland iyo in Xisbiga Kulmiye la wada yeesho oo si wada jira maalinba cida hogaanka u haysa loo wada taageero.
Shirka oo jewi kale galay ayaa waxaa dadka badankiisii isla qaatay hadii Hogaankii Dalka iyo Caasimadiisiiba lagala kulmay cadaalad daradaas in beeshu ay aayaheeda ka tashato kana fiirsato taageero danbe oo ay siiso Xisbiga kulmiye waxaana wax garadkii beeshu soo jeediyeen in shir intan ka balaadhan loo balamo inta aanay dhicin doorashada golaha degaanku si beeshu codkeeda ugula shuraakowdo Xisbiga ay cadaalad ka fili karaan ama beeshu ay taageerto Sidii loo soo saari lahaa Ururka Rays, Shirkan oo markii jewigiisii uu dhinac kale u jeestay aan saxaafada loo ogolayn hadana waxa muhiim noqotay in dhacdadan cajiibka ah bulshada loo soo bandhigo.





