Welcome to SomaliNet Forums, a friendly and gigantic Somali centric active community. Login to hide this block

You are currently viewing this page as a guest. By joining our community you will have the ability to post topics, ask questions, educate others, use the advanced search, subscribe to threads and access many, many other features. Registration is quick, simple and absolutely free. Join SomaliNet forums today! Please note that registered members with over 50 posts see no ads whatsoever! Are you new to SomaliNet? These forums with millions of posts are just one section of a much larger site. Just visit the front page and use the top links to explore deep into SomaliNet oasis, Somali singles, Somali business directory, Somali job bank and much more. Click here to login. If you need to reset your password, click here. If you have any problems with the registration process or your account login, please contact us.

Ultimate Air:Airline that will travel within Sland regions

Dedicated for Somaliland politics and affairs.

Moderator: Moderators

OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE
User avatar
Siciid85
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 21342
Joined: Mon Feb 02, 2009 9:11 pm
Location: Somaliland

Ultimate Air:Airline that will travel within Sland regions

Postby Siciid85 » Fri Dec 07, 2012 1:45 pm

Diyaaradaha Ultimate Air: Somaliland Oo Cimrigeeda Markii Ugu Horeysay Nasiib U Heshay Diyaarad Isaga Kala Gooshaysa Goboladda Dalka, Dareenka Dadka Iyo Xawliga ay ku socoto
(Hadhwanaagnews) Thursday, December 06, 2012
Ceerigaabo duulimaadyadeedii waxay inoo bilaabmayaan iydana Axadan soo socota, Ceerigaabana waxay noqonaysaa saddex casho

Hargaysa (HWN)- Shirkada Ultimate Air ayaa si rasmiya duulimaadkeedii koowaad Salaasadii ugu duushay magaalada Burco ee xarunta gobalka Togdheer, waana shirkad duulimaadyo rasmi ah ka bilaabi doonta gobalada Somaliland iyo weliba gobalka Geeska Afrika.

Image

Maamulka shirkadan ayaa daboolka ka qaaday in diyaaradani ay noqon doonto mid dadka ka caawisa tagitaanka gobalada dalka iyada oo aanu qofku sii Marin safar dheer, waxaanay diyaaradani u socotay magaalada Burco oo ay shalay tagtay 25 daqiiqo.

Image
Geele Cismaan Geele oo ah maamulka shirkadan Ultimate Air oo warbaxin kooban ka baxinaaya diyaaradan duulimaadyadeeda iyo waxyaabaha ay dadka u fududayn doonto waxa uu yidhi ? Halkan aynu joognaa waa madaarka Cigaal ee magaalada Hargeysa sidaad noola socoteena waxaynu ka nimi Burco, haddii alle idmana diyaaradan aynu soo raacnay waxa loogu talo galay in dalka gudahiisa ay ka shaqayso waliba waxaanu rajaynaynaa haddii rakaabku wanaagsanaado oo tiradu intaas ka badato inaan diyaarad labaad oo tan ka sii wayn aanu ku darno.?

Image

Geele Cismaan isaga oo hadalkiisa sii wata waxa uu yidhi ?Waxa kale oo loogu talo galay shaqada ingaydhka, oo cidii doonaysa in ay meel si dag dag ah ku tagto waa u diyaar waana laga kiraynayaa, Burco imika waxaanu ugu talo galnay inay diyaaradu todabaadkii shan cisho tagto kana soo noqoto, shantaas casho waxay noqonayaan maalmaha kale ee todabaadka marka laga reebo jimcaha iyo sabtida, magaalada Ceerigaabo duulimaadyadeedii waxay inoo bilaabmayaan iydana Axadan soo socota, Ceerigaabana waxay noqonaysaa saddex casho toddabaadkii, markaas waxaanu rajaynaynaa dadka Somaliland mid dibada ka yimi iyo mid gudaha joogaba inay adeegaas cusub ka faa?idaystaan.?

Image

Saciid Mahdi Ileeye (Saqiiro) oo ka mid ah masuuliyiinta wasaarada duulista oo isaguna warbaahinta ugu waramayay madaarka caalamiga ah ee Cigaal ayaa soo dhaweeyay shirkadan duulimaadyada ka samaynaysa dalka gudahiisa waxaanu ku tilmaamay mid fududayn doonta isku socodka gobalada dalka ganacsigan wax ka tari doonta ? Halkan aynu joognaa waa madaarka caalamiga ah ee Cigaal waxaana imika inagu soo kordhay diyaarad dalka gudahiisa isaga gooshaysa waxay ka shaqaynaysaa gobalada dalka, diyaaradan waxa iska leh shirkada OGF, saaka [shalay] ayay duulimaadkeedii u horeeyay samaysay oo Burco ay rakaab u sii qaaday kana soo qaaday, runtiina wax weyn ayay ka tari doontaa isku socodka iyo waliba hawlaha dagdaga ah iyo kobcinta ganacsiga.

Haweenay magaceeda ku soo gaabisay Nimco oo kamid ahayd rakaabka diyaaradan saarnaa oo siday haweenay beerku xanuunaayay oo awoodi wayday in ay socdaal dhulka ah kaga timaado magaalada Burco ayaa shirkadan ku tilmaamtay mid hawl fududayn fiican u qabatay ? Waxay taalay Burco muddo shan maalmood ah islaantu, waanay ku adkayd in baabuurta lagu soo qaado oo beerka ayaa xanuunaayay, haddana soo qaaditaanku waa uu u fududaaday markaanu diyaaradan soo raacnay.?
Hooyadan xanuunsanaysay ayaa si dhaqso badan lagu gaadhsiiyay cisbitaalka guud ee magaalada Hargeysa oo lagu waday, waxaanay diyaaradan ka caawisay in aan beerka oo xanuunaayay ruxitaan ku iman.
Image
Diyaaradan ayaa wax weyn ka tari doonta isku socodka gobalada dalka, waxaanay si gaar ah faa?ido ugu noqon doontaa ganacsatada,shaqaalaha Haaya?daha,dalxiisayaasha iyo waliba dadka xanuunsanaaya oo wakhti yar lagu gadhsiin karo cisbitaalka xanuunkiisa wax lagaga qaban karo ee ugu dhow.
Hadhwanaagnews/Office

OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE

Hello, Has your question been answered on this page? We hope yes. If not, you can start a new thread and post your question(s). It is free to join. You can also search our over a million pages (just scroll up and use our site-wide search box) or browse the forums.

  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - Somaliland”

Who is online

Users browsing this forum: No registered users and 10 guests