Welcome to SomaliNet Forums, a friendly and gigantic Somali centric active community. Login to hide this block

You are currently viewing this page as a guest. By joining our community you will have the ability to post topics, ask questions, educate others, use the advanced search, subscribe to threads and access many, many other features. Registration is quick, simple and absolutely free. Join SomaliNet forums today! Please note that registered members with over 50 posts see no ads whatsoever! Are you new to SomaliNet? These forums with millions of posts are just one section of a much larger site. Just visit the front page and use the top links to explore deep into SomaliNet oasis, Somali singles, Somali business directory, Somali job bank and much more. Click here to login. If you need to reset your password, click here. If you have any problems with the registration process or your account login, please contact us.

Daarood giving advise to Professor Samatar

Dedicated for Somaliland politics and affairs.

Moderator: Moderators

OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE
User avatar
Khalid Ali
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 30838
Joined: Mon Oct 18, 2004 11:03 am
Location: Suldaan Emperior Gacanyarihisa

Daarood giving advise to Professor Samatar

Postby Khalid Ali » Tue Dec 25, 2012 9:17 am

Talo ku Socota Professor Axmed Ismaaciil Samatar
Kaddib markii la dhegeystay laba waraysi uu bixiyey prof. Axmed Ismaaciil Samater (hadal uu ka jeediyey shir Minnesota lagu qabtay uu ku weheliyey Prof. Cali Khaliif Galaydh, iyo waraysi uu siiyey shabakad goosi goosi ah oo la yidhaahdo Hadhwanaagnews) waxaanu u soo jeedinaynaa talo iyo nasteex aanu filayno inay ka kaalmeeyaan go’aan qaadasho habboon oo la xidhiidha hankiisa siyaasadeed.
Talo soo jeedinta ka hor waxaanu in yar ka taaban doonnaa qodobo iftiimin u baahan oo ku jira hadallada Prof. Axmed Ismaaciil Samatar. Waraysiyada Axmed Ismaaciil waxaaka muuqda inuu sidan wax u fahamsan yahay:

1. Dhalliilo waaweyn uu u soo jeediyey habkii doorashooyinku uga qabsoomeen Xamar ayna ku soo baxeen baarlamaanka, madaxweynaha iyo dawladda lagu dhisay iyo sida uu jeclaan lahaa
2. Inuu soo ogaaday inuu Dir yahay
3. In Dir aan loo oggolayn in jagada madaxweyne ee Somalia qabtaan
4. Dir ma karti baanu lahayn mise dembi weyn buu galay?
5. Inaan reer waqooyi waxba Xamar looga oggolayn
6. In qaabka 4.5 uu khalad yahay
7. In laba xaafadood (2 beelood) isku koobeen madaxtinimada dalka Somalia
8. Inuu ka soo niyad jabay Mudisho iyo dawlad Soomaaliyeed
9. In aanu ka soo fasax qaadan barlamaankii uu ka tirsanaa iskana soo dhaqaaqay
10. Inuu ammaanay gooni-goosatada Hargeysa kuna tilmaamay inay wax qabsadeen iyo dooroshooyin ka qabsoomay
11. Inuu qariyey dhalliilaha iyo dembiyada gooni-goosatadu ka galeen dadka iyo dalka Soomaaliyeed
12. Inuu diyaar u yahay wadahadal uu Somaliland la galo
13. In haddii isaga iyo Somaliland is-afgartaan uu xallin karo dhibaatada ka taagan wax uu ku tilmaamay gobollada bari ee Somaliland!!!
14. Inuu xal u arko in guddi loo saaro waxa dadka barigu tabanayaan ayna soo matagaan waxa ay doonayaan!!!
15. In haddii laga quusto midnimo Soomaaliyeed laga shaqayn karo gooni-isu-taag waqooyi!!!
Marka hore waxaanu caddaynaynaa in faalladu tahay mid hufan oo Professor Axmed Ismaaciil shakhsiyaddiisa waxba loogu dhimayn ee keliya ay tahay faallaynta aragtidiisa iyo jiritaanka aragtida kale ee tiisa ka duwan. Waxaanu ku bilaabaynaa inuu ka hadlay arrimo wanaagsan oo haddii la heli lahaa qaranimada Soomaaliyeed iyo maamulkeedaba wax weyn ka tari lahaa, tiirar adagna u dhigi lahaa. Hasyeeshee, waxaad mooddaa arrimaha kale ee badan uu ka hadlay aynu halkan ku iftiimin doonno uu Axmed Ismaaciil ku masaxay wax kastoo wanaagsan uu ka hadlay, weliba waxay u muuqataa inuu xoog ugu janjeedho waxyaabaha masaxaya ama tirtiraya wanaagga Soomaaliyeed uu tilmaamay.

Dhalliilaha professor Axmed Ismaaciil ka sheegay dhismaha dawladda Somalia (doorasho madaxweyne, baarlamaan, iyo dhismaha dawladda) waa wax jira oo cid waliba ogtahay, ma aha wax Axmed isagu dadka u sheegayo, waana la wada ogaa in meesha aanu oollin wax dhamaystiran (No one expected a perfect solution). Waxaase la wada qirsanaa markii dooroshooyinku ka socdeen Muqdisho in waxani heer ahaan dhaameen wixii hore u jirey ayna dalka gudihiisa ku qabsoontay, rajana laga qabey madaxda la doorto inay tubta toosan dalka u dhaqaajiyaan. Waa dhab in niyad jab jiro intii uu xilka hayey madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayna u muuqato inuu la fool-habaabay dawladnimadii loo dhiibay weliba aan la garanayn meesha ay ku dambayn doonto, rajada laga qabo in madaxweynuhu isa saxana ay yar tahay ama aysanba jirin. Shacabkii rajada qabey waa niyad jabay mid Axmed ku kooban ma aha, rajaduse waa ta Ilaah, shacabku isagoo Ilaahay talo saaranaya ayuu isku deyi doonaa in wixii la badbaadin karo la badbaadiyo oo caano daatay dabadoodaa la qabtaa.
Aynu u soo noqonno qodobada aan jecelnahay inaanu iftiimino ee ah aragtida Professor Axmed Ismaaciil iyo aragtida kale ka duwan ee la qabo:
1. Axmed Ismaaciiloow haddaad soo ogaatay inaad Dir tahay, waxaa weli kaa maqan in Dirkuba yahay waxa lagugu dilay ee keenay in Awdal madaxa lagaga fadhiyo, warayso Awdal State of Somalia. Samaroon waxaa lagu hoday Dir baad tihiin oo SNM ku beer-laxawsaty iyo awood sheegasho sida reer Khaatumo Harti loogu habsaamiyey (haddase labaduba ka soo baraaruge). Axmedoow doorashadii waxaad heshay 8 cod oo Samaroon lahaa. Maad helin 53 cod oo Dirtu lahayd ayna ku jireen 28 Isaaq leeyahay, sidaad marka Dir ku tahay?
2. Dir madaxweyne looma oggola ayaad tidhi. Sida xaalku hadda yahay cid wax loo oggol yahayba ma jirto. Waxaad sheegtay in Elite magacyo qabiil isticmaalaya ay wax isla dhoodhoobaan. Waxaad kaloo afkaaga ka xustay in Alle ha u naxariisto labadaba’e Cabdirashiid Cali Sharmaarke iyo Maxamed Ibraahim Cigaalba tabtaas wax isugu darsadeen. Marka cid wax u diiddan Dir ma jirto, waa dhab in qayb weyn oo Dir ahi maqan tahay hadii Isaaq Dir lagu darayo (Isaaq waaba diidaa inuu Dir yahaye). Haddii sidan qabiil hilbo qaybsiga lagu sii socdo, Dir oo dhanina joogo golaha dadkooda ayay wax la qabayaan
3. Reer waqooyi waxba Xamar loogama oggola!!! Axmedoow Dir baan ahay iyo reer waqooyi meel wada galaan. Waxaad ka cabanaysaa in laba xaafadood xukunkii Somalia isku koobeen, waxaadna doonaysaa inaad samayso kuna beddesho laba xaafadood oo kale: waqooyi iyo Koonfur oo weliba midi Dir tahay sidaad hadalka u dhigayso!!! Reer Khaatumo iyo Maakhir sidaa Dirk u noqon maayaan. Reer Awdal State waxaanu isku nahay isu booddo taasaana ka faaiido badan waayo Isaaqba ma oggola inuu yahay Dir. Qabiil iyo qudhunna waxaa ka wacan isu-booddo, waayo Khaatumo iyo maakhir ma sheeganayaan harti iyo Daarood midna, waxaa laga shaqaynayaa horumar iyo dan
4. Dir haddii Isaaq lagu daro, Isaaq dembi weyn buu galay. Waxaynu ka hadlaynaa sidaad sheegtay elite-ka siyaasadda gooni-goosadka majaraha u haya shacabkana afduubka ku haysta. Waa dembi weyn in qaranimnada soomaaliyeed la isku dayo in la dhantaalo, la kala gooyo, nacaybka shacabka dhexdiisa la abuuro, fitno, colaad, iyo dagaal la huriyo. Waxaad ogtahay in reer Awdal ikhtiyaarkooda ku raacin kala go’a dalka Somalia, imminkana oggolayn ee beesha Isaaq ku hayso cabudhin iyo amar-ku-taagleyn. Waxaad ogtahay in Khaatumo iyo Maakhir iyo beesha Isaaq sutida isu hayaan. Muxuu yahay dembiga intaa ka weyn ee beeli geli karto? Waxaas oo dhibaato ahna waxaa ka masuul ah elite-ka Isaaq ee doonaya dawlad iyaga u gaar ah, mana aha mid soconaysa. Waxaad sheegaty in masuulka looga baahan yahay caddaalad, daacadnimo iyo karti, arrinta waqooyiga marka aad ka hadlaysey kaama muuqato inaad caddaalad samaysay, waxaa la yidhaahdaa ku dhaqan waxaad dadka faraysid (Act on what you preach…)
5. Axmedoow, 4.5 siduu ku khaldan yahay haddaad soo ogaatay isla markaana aamintay inaad Dir tahay? 4.5 qabaa’il ayaa wax loogu qaybsaday.
6. Laba xaafadood ayaa isku koobay Somalia hoggaaminteeda ayaad sheegtay. Sida hadda wax yihiin ee 4.5ka wax loogu qaybsado Dir wuxuu leeyahay 61 xubin taasoo la mid ah xubnaha Digil iyo Mirifle, Daarood, iyo Hawiye. Haddaad ula jeeddo labada xaafadood Daarood iyo Hawiye waxaa kaa muuqata inaad khaldan tahay oo xubno siman Baarlamaanka ku wada leeyihiin Dir iyo labada xaafadood aad eedaysay. Daarood, Hawiye, Dir, Digil iyo Mirifle, iyo qaybta shanaad midna 61 xubnood wax kuma noqon karo, mid kastaa waxaa laga yaabaa in codadkiisu kala qaybsamaan iyo inay u baahan yihiin xulufo ay codad ka kasbadaan. Wax taa ka hor taagan Dir ma jiraan. Hawiye isma raacsana, Daaroodna isma raacsana Axmedoow, ee elite-ka aad labada xaafadood ku sheegtay waxay noqon karaan jifiyo hoose Daarood iyo Hawiye ah oo codadka beelaha ee baarlamaanka si uun , xaaraan iyo xalaal, middi ay doonto ha noqotee ku kasbaday
7. Ma hal doorasho ayaad ku soo niyad jabtay Axmed Ismaaciiloow, waxaadba ka timi dhul waqooyiga America la yidhaahdo oo hal cod lagu kala badiyo’e? Ha noqon shimbiri maalin bay dab qaadday, maalintiina buulka hooyadeed bay ku gubtay. Somalia ha ku gubin doorashadaas keliya aad ka qayb gashay, waa laguu han weynaa, imminkana laguu han weyn yahaye. Doorshadani dul-qaadkaaga ayay tijaabo u tahay, xusuusnoow waxaad isu-taagtay jagada madaxweynaha Somalia, sidaad u hoggaamin lahayd dalka iyo dadka haddii samirkaaga shaki la geliyo? Ha noqon Xaglo-toosiye kale….kuna dambeeyey Xaglo-qalloociye….
8. Haddii aad ka soo niyad jabtay dawlad Soomaaliyeed, ma gooni-goosad reeraysan ayaad ku qanci doontaa? Somalia waxaad ku eedaysay laba xaafadood ayay u xidhan tahay, gooni-goosadka Hargeysa yaal wuxuu u xidhan yahay xaafad keliya, weligeedna ma dhacayso in xaafad kale wax looga oggolaado taladeeda….xaqiiqda biyo kama dhibcaanka ahi waa taa Axmedoow ee ku biyo cab, xaafaddaasina Dirba ma sheegato mana oggola… waxaa loo baahan yahay inaad caddaalad ka gar-naqdo. Ma aha inaad dawladda Soomaaliyeedna dhallilaheeda sheegto halka aad reerka isaaq ee gooni-goosadka ahna u ceebo qarisid
9. Inaadan ka soo fasax qaadan haayaddii sharci dejinta aad ka tirsanayd waxay tilmaamaysaa inaad sharcigii jebisay….haddii aad dalka madaxweyne ka noqon lahayd side ayaad jeclaan lahayd in sharciga loo ilaaliyo…waxaa kula gudboon inaad uga mid ahaato dawladda si sharciga iyo kala dambaynta ilaalinaysa ama aad iskaga baxdo
10. Haddii aad leedahay Isaaq wax horumar ah buu qabsaday, dee Majeerteenba wax buu qabsaday, Habar-gidir wax bay qabsatay, Abgaal wax buu qabsaday, Dhulbahante wax buu qabsaday oo Khaatumuu dhistay, waana la arkayey diyaaradaha Taleex ka soo degayey, gardarrada Isaaqna dagaal ayuu iskaga celiyey, Jubbooyinku waa kuwaa waxooda hagaajisanaya, Awdal State-na waa dhisan tahay horumarna waa gaadhi doontaa. Doorashootinka aad ammaanayso iyo waxan ay xisbiyada ku sheegaan waa wada jifiyo hoose oo beesha Isaaq ah, wixii ku shubasho iyo is-daba-marin, dil iyo boob dhexdooda ka taaganna waa la wada arkaa, taasi ammaan iyo ceeb tay doonto ha ahaatee
11. Dembiyada iyo dhalliilaha elite-ka Isaaq ee gooni-goosadka ah kor ayaynu wax kaga taataabanay
12. Wada-hadalka aad Somaliland (beesha Isaaq) la gelaysid maxsuulka laga filan karo waa in lagu siiyo jagada maqaar-saarka ah ee Saylici, ee taa diyaar ma u tahay? Beelaha waqooyi dega waa midnimo doon iyo gooni-goosad, mid saddexaad ma jiro. Labadaa halgan ee iska soo horjeeda ee kaaf iyo kala dheerida ah ayaa socda. Haddii qolada midnimo doonka ahi guulaysato, waxaa mudan jagooyinka ugu sarreeya ee dawlad Soomaaliyeed looga qoondeeyo waqooyiga in la siiyo beelaha midnimo doonka waqooyi, beesha gooni-goosadka ah ee Isaaqna ku daba-faysho midnimo doonka. Madaxweynaha Somalia ee xilligan ma aanu garan taas oo wuxuu hoosta soo gashaday gooni-goosadkii isla markaana ammaanay, waxa laga filan karaana waa inay gudaha ka dumiyaan (destruction from within). Professor Axmed Ismaaciiloow haddii aad mabda’aagii midnimo doonka ka tanaasusho waxaad ku daba-faylaysaa gooni-goosadka talo lagaa weydiinayo ma jirto ee taa ku seexo kuna soo toos. Gooni-goosadka intaad soo kaxayso Somali u keeni-mayside jeebkooda ha gelin
13. Gobollada bari wax la yidhaahdo ma jiraan Axmedoow, waxaa jira wax la yidhaahdo Khaatumo State of Somalia iyo Maaakhir State of Somalia, haddii aadan ilaa hadda taa ogeynna waa nasiib darro. Waxaa jira laba maamul ay kala samaysteen reeraha Dhulbahante iyo Isaaq ee caddaaladda aad sheegayso ku fiiiri. Talada aanu ku siinayno waxa ay tahay inaad ku biirto raga u halgamaya Awdal State of Somalia meeshaas ayaa lagaaga baahan yahay aad codkoodiina heshay xilligii doorashadii Xamar ee turubka halkaa ka baandhee
14. Guddi loo saarayo inay soo ogaadaan waxa Dhulbahante doonayo ma jirto. Dhulbahante ka weyn beel ay beel kale guddi u soo dirto. Khaatumo State of Somalia ayay ku caddahay waxa Dhulbahante doonayo, waana inuu lahaado maamul goboleedkiisa ka tirsan dawlad federal ah oo Soomaaliyeed. Haddaanad garan taa axmedoow waa ayaan darro..
15. Midnimo Soomaaliyeed lagama quusanayo…waa kuu nuqsaan inaad ku tiraabtaba oo shaki geliso in midnimo Soomaaliyeed laga quusan karo… midhkaas ayaa dembiba ah…waxaa inoo ballan ah Axmedoow adigoo hoggaaminaya Awdal State of Somalia, sidaas ayaa lagu heli karaa dawlad Soomaaliyeed oo caddaalad ku dhisan oo maamul goboleedyadu si xor ah uga wada shaqaynayaan horumarkooda gudaha, wixii dawlad dhexe loo xilsaarayana ku wada heshiin karaan. Adigoo awdal State ka soo baxa ayaad u dhowdahay inaad madaxweyne Soomaliyeed noqoto, taasaa aad uga dhow inaad Dir ka soo baxdo. Midda kale Axmed Ismaaciil Samataroow yaanay kugu qaadan 20 sannadood oo dambe inaad ogaato in gooni-goosadka Hargeysa lagu hayo u xidhan yahay hal xaafad (xaafad keliya)
Talo waxay ku urursan tahay inaad Axmedoow Awdal State of Somalia la timaaddo miiska Soomaali wax ku qaybsanayso, taasaa kuu noqon doonta muraayad weyn ku muujisa oo sharaf, cisi iyo karaamo badan, Soomaali oo dhanna kugu qaddarin doontaa marka lagu daro aqoontaada iyo waayo-aragnimadaada. Ilaahay ka hoos gal in SNM jeebka kugu ridato, wiil yaroo SNM ahina suxufi isaga kaa dhigo, afkana kuu geliyo kuguna hoggaamiyo god madow, kala go’a Somalia iyo fashil

original dervish
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 25248
Joined: Mon Aug 22, 2005 5:08 pm

Re: Daarood giving advise to Professor Samatar

Postby original dervish » Tue Dec 25, 2012 9:18 am

:mindblown:

Amirsade
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 1176
Joined: Wed Jan 14, 2009 6:47 am
Location: Villa Ruugcadagii kala Rogaha Raasmaalka

Re: Daarood giving advise to Professor Samatar

Postby Amirsade » Tue Dec 25, 2012 1:20 pm

Hawiye giving advise to professor samatar

Sheekada Muuse Suudi iyo Prof Samatar oo ay hareer socoto Yasmadii Prof Galeydh ku liiday Ahmed ismaaciil Samatar waxay ku bilaabaneysaa sidaan:-
Muuse Suudi Yalaxow ayaa Hotel Saxaafi ku arkay Prof Ahmed Ismaaciil Samatar oo ku casuumay inuu kala qeybgalo shirar uu ku qabanayay Hotelka, markaas ayuu waydiiyay muxuu ku saabsan yahay Shirka? Adiga yaad tahay ? Muxuu ujeedkaagu yahay ? kadibna wuxuu Samatar u sheegay inuu yahay Prof wax ka dhiga Jaamacad ku taal Mareykanka ,sidoo kalena uu doonayo inuu isu sharaxo Madaxweynenimada Somalia.


Muuse Suudi Yalaxow ayaa ku yiri waa Mahadsan tahay laakiin aan is baranee qabiilkaada yaa waaye? Wuxuu ugu jawaabay Prof Samatar ,waxaan ahay Gadabuursi?
Wuxuu Muuse ku yiri “ Gadabuursi walee maaha qabiilka dega Borama,Saylac ,Lughaye iyo Gabileey?
Markaas ayuu Prof Samatar ugu jawaabay ,Haa Dhulkaas oo dhan ayaan degnaa!
Wuxuu Muuse Suudi ku yiri, Borama Garoon ma leeyahay? Wuxuu ugu Jawaabay Maya malaha! Yalaxow oo hadalkiisa sii wata ayaa ku yiri “ Dekadaha Saylac iyo Lughaye ma shaqeeyaan? Wuxuu ku jawaabay Prof Samatar maya ma shaqeeyaan ! wuxuu Muuse Yalaxoow u sii raaciyay,Degaankaaga iyo dadkaaga goormee kuugu dambeysay? Wuxuu ku jawaabay Ahmed Ismaaciil Samatar,Labaatan sano iyo ka badan? Wuxuu yiri ,HADA MA TAGI KARTAA AWDAL IYO MAHAAD KU DHALATAY? Wuxuu ku jawaabay Maya !! wuxuu u raaciyay, Maxaa u sababa? Wuxuu yiri malahan Garoon diyaaradeed, waxaana dhulkaas heysto Isaaq oo aan qadiyada isku diidanahay !
Muuse Suudi Yalaxoow ayaa yaabay!!!, Wuxuu yiri , Ahmed Ismaaciil Samataroow ma waxaad I leedahay ,Madaxweynaha Somalia ayaan rabaa,meeshaan ku dhashayna ma tegi karo, Garoon aan ka degana ma dhisan karo,dadkeeygana labaatan sano ka badan ma arkin?
Prof Samatar oo wejigiisa isbedelay ayaa yiri ,” Muuse aniga nin aqoonleh baan ahay qabiil maahi”
Muuse ayaa qoslay oo yiri “ Eebow xeey tahay aqoontaad heeysato”?
Samatar ayaa ugu jawaabay ,waxaan heystaa derajada ugu sareeyso Cilmiga ee PHD !
Muuse oo qoslaa ayaa ku gaabsaday “ Cilmiga qofoow galoow u baahan yahay ,aniguse waxaan leeyahay PHD mineey saas tahay, PHD XAALQAADO?
Prof Samatar oo yara careeysan ayaa ku yiri , Muuse ma waxaad rabtaa inaad iga dhigtid dagaal ooge sida adiga?
Muuse Suudi Yalaxow oo qoslaa ayaa ku yiri “ AREEY MINAA WAX QABAN KARTO ,DADKAAGA U QABO,MUGAAD BORAMA GAROON U DHISTO,SAYLAC DEKADEEDA FURTO,IIGA SHEEKEEY AQOONTAADA,HADII KALE HEEYS WAREERIN,ANAA KULA YAABEE,UMADA KALE YEEY KULA YAABINE ,ILMAHAAGA KORSO,SOMALI XABAD UMA QABAN KARTIDE.
Hadalkaas xigmada weyn Xambaarsan ee Muuse Suudi Yalaxow ,wuxuu dhegaha Prof Ahmed Ismaaciil Samatar ku dhacay waxyar kadib markii Prof Cali Khaliif Galeydh ku yiri “ Ilma Samataroow waxaad tihiin Dalanbaabi aan dadkooda taageero ka heysan ee markaad taageero ka heshaan ragga la sheekeeysta”
Prof Axmed Ismaaciil Samatar oo ka xanaaqay hadalka Prof Galeydh ayaa bilaabay inuu caayo Khaatuma State hasse yeeshee Prof Galeydh wuxuu ku adkeeysanayaa inuu Somalia waxba ka noqon Karin qof aan dadkiisa iyo degaankiisa dhibka la wadaagin.
Prof Ahmed Ismaaciil Samatar marka uu Warbaahinta la hadlaa waxaa la moodaa inuu ka faanaa qabiilka uu ka dhashay ee Gadabuursi ,waxayna nasiib daradu tahay inuusan wali garwaaqsan inuu aqoonta uu sheeganaa ugu shaqeeyo dadkiisa sida Prof Galeydh.
Inkastoo uu yahay nin tacliin leh,hadana waa nin iskala sareeyo dunida oo dhan,waxaana hubaala inuu dadaalkiisa HIILQARAN ka dhaxli dooni daal maxaa yeelay Somalida waxay ku maahmaahdaa Hilibkaan ka dhergi doono waxaan ka kasnaa beerkiisa taas oo loola jeedo hadii xoolo badan la qalay,waxaan cuni doonaa beer badan.
Ahmed Ismaaciil Samatar hadii uu yahay nin wax qaban kara waxay ka muuqan lahayd Saylac,Lughaye iyo Borama sida kartida Prof Galeydh uga muuqato Buhodle,Taleex iyo Bocame.

User avatar
Khalid Ali
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 30838
Joined: Mon Oct 18, 2004 11:03 am
Location: Suldaan Emperior Gacanyarihisa

Re: Daarood giving advise to Professor Samatar

Postby Khalid Ali » Tue Dec 25, 2012 1:37 pm

:lol: :lol:

djibsomali
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 5229
Joined: Fri May 25, 2007 6:39 pm

Re: Daarood giving advise to Professor Samatar

Postby djibsomali » Tue Dec 25, 2012 1:49 pm

:lol: :lol:
calamadahaa ilmoo bucur bacayr inay xaraan ku dhalaad yahiin waxaan ayaa lagu gartaa

dhiq dhiq iyoo shuqul dumarkaa suuqaa

User avatar
Khalid Ali
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 30838
Joined: Mon Oct 18, 2004 11:03 am
Location: Suldaan Emperior Gacanyarihisa

Re: Daarood giving advise to Professor Samatar

Postby Khalid Ali » Tue Dec 25, 2012 1:50 pm

djibSomali are you still angry son i have stopped karbaashin gadabuursi its not fun any more

Cafis iyo masamax saaxib
:up:

User avatar
NewHargeisaGirl
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 4876
Joined: Sat May 30, 2009 11:49 am

Re: Daarood giving advise to Professor Samatar

Postby NewHargeisaGirl » Tue Dec 25, 2012 2:07 pm

djibSomali are you still angry son i have stopped karbaashin gadabuursi its not fun any more

Cafis iyo masamax saaxib
:up:

Puh-Leez fag ! the only thing that got Karbash are your butt cheeks :-@

User avatar
Khalid Ali
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 30838
Joined: Mon Oct 18, 2004 11:03 am
Location: Suldaan Emperior Gacanyarihisa

Re: Daarood giving advise to Professor Samatar

Postby Khalid Ali » Tue Dec 25, 2012 2:08 pm

Newhargeysagirl labadeenu maynan heshin horta

djibsomali
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 5229
Joined: Fri May 25, 2007 6:39 pm

Re: Daarood giving advise to Professor Samatar

Postby djibsomali » Tue Dec 25, 2012 2:10 pm

Newhargeysagirl labadeenu maynan heshin horta
Merry Christmas (lool) iyoo happy new year abtii

User avatar
NewHargeisaGirl
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 4876
Joined: Sat May 30, 2009 11:49 am

Re: Daarood giving advise to Professor Samatar

Postby NewHargeisaGirl » Tue Dec 25, 2012 2:21 pm

Emperior,
I think you are a Munaafiq & I don't do well with such a person. YOU need to do some soul- searching first :!:

Djsomali
Merry Xmas inaabti:) whatever happend to Ruralman horta do you know?

User avatar
Khalid Ali
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 30838
Joined: Mon Oct 18, 2004 11:03 am
Location: Suldaan Emperior Gacanyarihisa

Re: Daarood giving advise to Professor Samatar

Postby Khalid Ali » Tue Dec 25, 2012 2:25 pm

Munafaq how so dear tell me

i tell people how i feel about them and ofcourse i insulted gadabuursi in the past , but thats something past

djibsomali
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 5229
Joined: Fri May 25, 2007 6:39 pm

Re: Daarood giving advise to Professor Samatar

Postby djibsomali » Tue Dec 25, 2012 2:27 pm

Emperior,
I think you are a Munaafiq & I don't do well with such a person. YOU need to do some soul- searching first :!:

Djsomali
Merry Xmas inaabti:) whatever happend to Ruralman horta do you know?

abtii Ruralman got banned (i don't know the full reason) but has other nicks and was very active 1 time.
but too active for his own good.

Maybe he found a wife in london and busy making babies.

User avatar
Kabriid
SomaliNetizen
SomaliNetizen
Posts: 902
Joined: Wed Nov 21, 2012 12:25 pm
Location: Ceel biyo ku soo maaxeyaan

Re: Daarood giving advise to Professor Samatar

Postby Kabriid » Tue Dec 25, 2012 3:05 pm

Prof. Axmed Ismaaciil Samatar has wasted so much time on these brain dead wanlaweyns. Arimihii uu ka hadlay dhinaca kale ayey u bedeleen. :mindblown:


He should leave them alone and come to Somaliland where he can implement his ideas and strategies unlike the shithole Somalia.

User avatar
hargaysaay
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 8453
Joined: Sun Jan 17, 2010 7:32 am
Location: Best part about getting high having sex with you is geting high having sex with you part.

Re: Daarood giving advise to Professor Samatar

Postby hargaysaay » Tue Dec 25, 2012 3:33 pm

Prof. Axmed Ismaaciil Samatar has wasted so much time on these brain dead wanlaweyns. Arimihii uu ka hadlay dhinaca kale ayey u bedeleen. :mindblown:


He should leave them alone and come to Somaliland where he can implement his ideas and strategies unlike the shithole Somalia.
the unfortunate fact about somalis are they only see through qabiil eye glasses pathetic people

User avatar
Kabriid
SomaliNetizen
SomaliNetizen
Posts: 902
Joined: Wed Nov 21, 2012 12:25 pm
Location: Ceel biyo ku soo maaxeyaan

Re: Daarood giving advise to Professor Samatar

Postby Kabriid » Tue Dec 25, 2012 4:16 pm

Prof. Axmed Ismaaciil Samatar has wasted so much time on these brain dead wanlaweyns. Arimihii uu ka hadlay dhinaca kale ayey u bedeleen. :mindblown:


He should leave them alone and come to Somaliland where he can implement his ideas and strategies unlike the shithole Somalia.
the unfortunate fact about somalis are they only see through qabiil eye glasses pathetic people

Arintii dhamaa waxay u roggeen Somaliland iyo Isaaq. I don't blame them though, they view us as a threat and that's a good sign of doing something successful.


OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE

Hello, Has your question been answered on this page? We hope yes. If not, you can start a new thread and post your question(s). It is free to join. You can also search our over a million pages (just scroll up and use our site-wide search box) or browse the forums.

  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - Somaliland”

Who is online

Users browsing this forum: No registered users and 15 guests