AUN ilahay qabriga ha uu nuuriyo wadaadka.
amiin
the killer is caught and i hope they give him a slow painful death. bastard
Believe me. They just went around and Napped someone who does not hail from the City. They will kill innocent man just to quil the tention. The Sheikh was killed at 4am going to the masjid alone and no one was around to see the killer. The police went to few houses and napped nin hurdo.
He was caught on the spot doesnt matter where the focker is from, kill him
Garoowe (RBC RADIO) Mid ka mid ah Dadkii Gacanta ku dhigay gacanku dhiiglihii dilay Shiikh C/qaadir Nuur faarax oo magaciisa kusoo koobay Mustafe oo Raxan-Reeb u waramay ayaa sheegay in ay ku baraarugeen Dhawaaqa Xabada iyo orodka nin uu ku tilmaamay in uu 19sani jir yahay kaasi oo waqtigii uu ordayay Xabado sii ridayay si aysan dadku gacanta ugu dhigin kadib markii uu hubsaday in uu dilay sheikh C/qaadir Nuur Faarax.
“ Anagoo xabada maqleyna ayaa waxaan aragnay nin gacmaha ku sita 2ba biskoolado aadna u neef tuuraya uuna eryanayo wiil uu dhalay sheikh C/qaadir kaasi oo lahaa ii qabta wuxuu dilay aabahay, markii baan ninkii dhinacyada ka marnay inagoo badan oo dhawr dhalinyaro ah wuxuu nagu riday rasaas badan waxaana ku dhaawacmay haween oo xabadu caloosha ka haleshay wiil ay lugta kaga dhacday iyo mid kale oo isagana ay gacanta ka heshey xabadu, waxaan isku taxluujinay in uusan naga fakan alle ayaa inoo hiiliyay oo rasaastii baa ka dhamaatay kadibna waan qabanay oo dhalinyaradii baa caradii kula dul dhacay oo dhagxaan la dhacay isagoo qeylinaya, ayuu Yiri Mustafe oo Raxan-reeb la hadlayay.
Goob joogahan ayaa sidoo kale raxan reeb u sheegay in intii Dagaalka kula jireen ninkan aysan ciidanku u imaan balse ay iyagu ku dadaleen in uusan baxsan oo ay ku hareereeyeen Xaafada Hodan aga gaarka Msjid Badar oo ah meesha Shiikha lagu dilay.
“ Markiiba isagoo Qaylinaya oo ku haya ha idilina ayaan gaari Caanoole ah saarnay si aan Ciidanka ugu Wareejino laakiin Markiiba waa ay yimaadeen waxaana la wareegay Ciidanka Dowlada guud ahaanah isku gadaamay halka uu shilku ka dhacay, Ninkuna wuxuu u muuqday nin 19jir ah wuu casaa foolna wuu ka jabnaa Cabsi iyo argagaxna wuu ka muuqday oo ma uusan is lahayn waa lagu qabanayaa, ayuu Mustafe hadalkiisa sii raacshay.
Shiikha ayaa iminka yaala isbitaalka weyn ee Magaalada Garoowe alle ha u naxariistee waxaana la filayaa in uu halkaasi gaaro Madaxweynaha Puntland Dr Cabdiraxmaan Faroole sida ay wararku nagu soo gaarayaan si uu uga tacsiyeeyo Geerida Naxdinta xambaarsan ee ku timi Shiikh C/qaadir Nuur Faarax iyadoo aan idinla soo socod siin doonno hadba Wararkii ku soo kordha Dilka Shiikha .