Gaari walxaha qarxa laga soo buuxiyay ayaa galay Baar ku yaala xeebta Liido, qaraxaasi oo geystay qasaarooyin fara badan ayaa la sheegayaa in haatan la kala gurayo dadkii ku waxyeeloobay.
Mid ka mid ah goob joogeyaal ku sugan goobta uu qaraxa ka dhacay ayaa sheegay in qasaaraha ka dhashay qaraxa uu yahay mid aad u weyn, isla markaana ay jiraan dhimasho iyo dhaawac fara badan.
Gaariga walxaha qarxa laga soo buuxiyay ayaa la sheegayaa inuu ahaa gawaarida yaryar, kaasi oo la sheegay inuu jiiray bar kontrol oo ku taala Baarka ay dadka badan ku waxyeeloobeen.
Wixii warar ah ee ku soo kordha dib ayaan idinla socodsiin doonaa. Insha Allah.




