DEG DEG: Beesha Mareexaan oo qaadacday shirka Magaalada Kismaayo ka furmay
WAAJIDPRESS – 28 Feb 2013: Beesha Mareexaan oo ka mid ah beelaha degga Gobolada Jubbooyinka iyo Gedo, ayaa waxay ka soo horjeedsatay ka qeyb gelida shirka maanta ka furmay Magaalada Kismaayo. Dhismaha Xaruunta Jaamacada Magaalada Kismaayo ayaa waxaa maanta ka furmay shir la sheegay in Maamul loogu sameynaayo Gobolada Jubbooyinka iyo Gedo. Odayaasha, wax garadka iyo Siyaasiyiinta Beesha Mareexaan ee Gobolada Jubbooyinka, ayaa waxay iclaamiyeen inaysan ka qeyb geli doonin shirkaan, sababo la xiriira iyadoo ay jiraan sababo dhawr ah. Waxay kulan ballaaran ay isugu yimaadeen Guriga Suldaanka Gobolada Jubbooyinka ee Beesha Mareexaan Suldaan Maxamed Bashiir Madoobe, waxayna ka soo saareyn bayaanka ay shirkaan ku naqdiyeen. Afhayeenka Beesha Mareexaan ee Gobolada Jubbooyinka Cabdi Warsame Gurux, ayaa wuxuu akhriyay Bayaanka ay ku diideen, inay ka qeyb galaan shirka maanta ka furmay Magaalada Kismaayo. Afhayeenka ayaa wuxuu sheegay in marka hore aysan Dowladdu cadeyn mowqifkeeda ku aadan, shirka maanta ka furmay Magaalada Kismaayo, sidoo kalana wuxuu sheegay in Deegaanada Jubbooyinka iyo Gedo, ee weli ku jira gacanta Al Shabaab, ay ku sugan yihiin Odayaal fara badan. Odayaashaasi ayaa wuxuu tilmaamay in ka soo qeyb gelidooda shirkaan uu yahay mid muhiim ah, haddii aysan ka soo qeyb gelina ay iyana ka qeyb geli kareyn, ilaa goobahaasi laga xureeyo Al Shabaab, si loo wada yagleylo buu yiri Maamul loo dhan yahay. Goobta uu Bayaanka ka akhrinaayay Cabdi Warsame Gurux, ayaa waxaa fadhiyay General Cali Cabdi Looyaan “Cali Madoobe” iyo Gudoomiye Ku Xigeenka Maamulka Kmg ah ee Magaalada Kismaayo Col. Yaasiin Nuur Gaas.







