..maxay somalidu si fudud oo waalan isu furaan?!! Xitaa halkan, forumers baa jira oo furan. Kuwaa aan rabin inay xaasaskooda furin..'minyaro aan rabaa' ayeey ku waasheeyn.
hayye discuss.
Waxaan is-leeyahay dhawr qodob oo aas-aasi ah ayaa markeedii horeba meesha ka maqnaa, kuwaas oo labada qof ee isguursaneysa aysan si degen miisaanka u saarin kullankoodii koowaad iyo haasaawihii xiggey. Qodobbadaas waxaa ka mid ah:
b) Saldhig, iyo
t) Tiir Adag
Guurka waxaa Saldhig & tiir u ah Jacayl rasmi ah oo ka dhexeeya labada qof ee isqaba. Inta badan labada qof ee isqaba (wiil & gabar) waxay raadiyaan xal markii uu dhib soo kala dhex-gallo iyadoo furiinku uu yahay sheyga ugu dambeeya ee maankooda ku soo dhaca. Waxay labadan qof (ee sida dhabta ah isu jeceli) xoogga saraan hadiyo jeer sidii ay u furdaamin lahaayeen dhibka jira ayaga oo jaranjar kasta u fuullaya bal inay ka gun-gaaraan dhibka jira, waxa uu yahay, asal ahaan halka uu salka ku hayo, iyo maxaa lagu xallin karaa. Sababta ay ugu dadaallaan inay furiinka ugu dambeysiiyaana waa ayadoo ay ogyihiin in jacaylka ka dhexeeya ka baruud sareeyo dhibka & ikhtilaafka jira.
Bal qabsoo wiilka & gabadha noocan ah dhibkoodu waaba uu yar yahay oo Jacaylka ka dhexeeya ayaa awood u siinaya in midba kan kale xaq-dhawro, xannaaneeyo kuna dadaallo ka ilaallinta wixii dhib ah ama karaahiyo ah ee uu dhibsanayo lamaanihiisu; waxaana noloshooda Saldhig iyo tiir dhexaad u ah Jacayl maqaamkiisu sareeyo.
Haddiise uusan jirin Jacayl dabuubtiisa lagu sifayn karo busayl ku astaysan isu-hilloobid jacayl, waxay ila tahay in dhibku uu daaqad kasta ka imaan karo illeyn wuxuu og yahay in aanay ciddi iska difaaceyne. Diciifnimadaa xagga difaacuna waa tan aan isleeyahay waxaa u marti ah qoysas badan oo Soomaaliyeed, meeshay doonaanba ha jooggeene. Waxaad moodaa in loo batay waxa loo yaqaano, "Ku arkay oo ku Caashaqay; Ee cabaar ma ila caweyn"... Laba berri kadiba waxaa xigga aroos, guur, iyo guri aan tiir lahayn oo si sahlan dabayshu u kala kiciso.
Waa siday ila tahay (just my opinion).