Welcome to SomaliNet Forums, a friendly and gigantic Somali centric active community. Login to hide this block

You are currently viewing this page as a guest. By joining our community you will have the ability to post topics, ask questions, educate others, use the advanced search, subscribe to threads and access many, many other features. Registration is quick, simple and absolutely free. Join SomaliNet forums today! Please note that registered members with over 50 posts see no ads whatsoever! Are you new to SomaliNet? These forums with millions of posts are just one section of a much larger site. Just visit the front page and use the top links to explore deep into SomaliNet oasis, Somali singles, Somali business directory, Somali job bank and much more. Click here to login. If you need to reset your password, click here. If you have any problems with the registration process or your account login, please contact us.

PRO GANDHI WEBSITE

Daily chitchat on Somali politics.

Moderator: Moderators

OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE
ahmed yey
Posts: 168
Joined: Wed Dec 16, 2009 11:41 am
Location: Baled xawo ,gedhweyne ,dollow,shatolow.damase

PRO GANDHI WEBSITE

Postby ahmed yey » Wed May 15, 2013 2:25 pm

Jubbaland ma madaxweyne ayeey dooratay
Gudoomiyaha maamulka ku meel gaarka ee Kismaayo ayaa la sheegay in Madaxweynaha Jubbaland loo doortay. Hadaba sideey wax u dhaceen maanta hoolka jaamacada Kismaayo. Xog ururin aan sameenay waxaa soo baxday in doorashada Sh Axmed abaabuleen taageerayaashiisa. Hoowlka xafladan ka dhacday ma eeyen joogin musharixiinta madaxtinmada isu taagtay oo uu ka mid yahay sh. Shakuul, Awlibaax iyo kuwa kalaba. Taageerayaasha Axmed Madoobe ayaa hoolka isugu yeeray ergo aan aheen kuwii sida rasmiga loogu tala galay in ay Madaxweyne doortaan.


Hadaba yeey yihiin musharixiinta la sheegay in ay tanaasuleen


Nin magaciisa aan ka helnay Shanbar oo jareer weeyne ka soo jeeda iyo Hiloowle Maxamuud oo Mareexaan ka soo jeeda ayaa goobta ka sheegay in ay musharixiin yihiin tanaasulna sameeyeen. Sh Axmed ayaa la sheegay in kaligii soo haray sidaana ku guuleestay.


Maxeey arrintani keeni kartaa
Sh Axmed waa hogaamiye deegaankiisa jooga xaqna u leh in uu meesha ugu sareeyo ka gaaro sidoo kalana waajib ku tahay in uu danta guud u hogaansamo hadii ay ku jirto oo uu waayo damaciisa siyaasadeed. Sida maanta wax u dhaceen ayaa marnaba waafaqsaneeny sida la isku ogaa dhamaan hoowlwadeenada ku hoowlanaa dowlad u sameenyta mana waafaqsana sida laga rabo in ay doorasho u dhacdo oo waxaa goob joog ahaan lahaa ururo caalami ah iyo dowlado. Waa la filayay in marka Soomaali meesha ay joogtaba maamul isugu timaado in aanan isqabqabsi la waayin wixii maanta Kismaayo ka dhacay wado buuq eedeeyn iyo eeyd celin ayeey fureeysaa. Waxaase la mahdaniyaa Alle ka sokoow joogitaanka Amisom ee Jubbooyinka oo ka hortageeysa qalalaase gacan ka hadal ah. Dhinaca kale waxaa halkeedii ka sii socda colaada lagu hayo Jubbooyinka oo loo adeegsanayo kuwa aan ehel ahaan u wadano oo shisheeye kal kaal ah. Doorashada maanta la sheegay ayaa qaadan doonta waqti in la xaliyo oo go’aan laga gaaro. Waqti la galin lahaa hoowlo kale.
10 Responses for “Jubbaland ma madaxweyne ayeey dooratay”
shishoore[dhoobley] says:
May 15, 2013 at 17:15
qolyahiina dib isugu noqoda xiligan ma h xiligii aad maqaalkan soo qori lahaydeen dadkana yaa lakal dilin ee dadkiina dhinac ka raaca taageerana siiya madawaynaha cusub. mida kale warbaahinta la socoda halka ay wax marayaan.
Reply
Omar says:
May 15, 2013 at 17:26
Jubbalandnews, website aan aad uGu xirnahay ayaa tihiin idinka iyo ijaranews waxaan idinka dareemayaa inaad doorashada manta ka xuntihiin, doorasha kastaa wax ayaa laga sheega oo Kenya oo from 1963 doorasha ku jirtay ayaa ilaa haddais qabqabsi ka bixin laakinse mida kismaayo maa (special case) aniga shaqsi ahaan prof Ghandi waxaan rabi lahaa marxalad dhisma oo maamul iyo maareeyn u baahan inuu yimaado laakin manta waa in la helaa luuqada mooryaanta nin yaqaano oo kula hadlo hanoqoto mooryaanta xamar ee xaad iyo ahmed diireye ama mooryaanta alshabab
fadlan maqaalo iskusoo dhaweeyn ah qora badalka aad kan oo kale qori laheeydeen
hanoqonina mahamed amiin oo website qor layiri
Reply
naasir says:
May 15, 2013 at 17:26
Waligin wa la idiin xaman jiray lakiin mantaad cadaysateen mowqiifkina war isku xiishida waxaan aad so qorteen mesha kasaara si deg deg ah howlo kaculuus aya ina horyaale badawyahow
Reply
jubb says:
May 15, 2013 at 17:33
Hadii sidaas madaxweyne lagu noqon Gaandi ayaa madaxweyne noo aha markii Azaaniya oo dhisay sidan oo kale ayey hayed tan waa lamid hadii uu yidhaaho ma aqoonsano wax maanta kismaayo ka dhacay sidaas ayey oogu dhamaatay xoog ma jiro meesh.
Tankale maxaa iimaanka ka qaaday kooxdan kaanbooni may iska sugaan hadii dadku iyaga dooranayaan waa la arki xiliga doorashada
anigu waxaan aaminsanahay in ay sii socondoono shirkii Kismaayo uuna ka soo bixi doono wax dadku kuwada qancaan insha lahaa
Reply
Cabdi Cali says:
May 15, 2013 at 17:35
Waxaa wanaagsan in laga hadlo sida ay wax u dhaceen. Jlandnews waxeey sheegtay in ay sidan wax u dhaceen qofkii wax ka duwan haya oo xaqiiq ah sida doorashada u dhacday fadlan noo soo bandhiga. Isweeydiiya aawaye musharixiinta kale beri ayaad maqli doontaan dad qeeylinaya oo Axmed la wada ehel ah. Danta guud fiiriya Axmed in la doorto cid diidan ma jirto. Su’aashe waxeey tahay doorasho sax ah miyaa dhacday maxaase laga yeelayaa cadawga magaalada aan ku soo dhaweeynay ee aan iska indho tireeyno. Kuwaa marka hore talaabo halaga qaado
Reply
balqis boosaaso says:
May 15, 2013 at 17:37
axmedow mudan madaxweyne salan udgoon oo ebyoon
oo albaabo badan arxaanka iyo dhabarka
iyo oogada iyo lafaha wadnaha unugiisa ku abuuran arkiyow
ubax ku heeraaran baan hoo ku oranayah…..
shin dhalad baa tahiye shanka roone sharaf aduun
shacni wanaag lagu shaqlayo aan la sheeli karin
sharka lagaa naaryoo shaydaan laga xijaab
shabad jubbaland adna kii shifaystay noqo…..
shaydankii ku dhibilahaa sheel allaha ku rido
cadowga soo shixnadan sheel allaha ku rido
balayo kii kuu shirgoola sheel allaha ku rido
sharaftada kii aan rabin sheel allaha ku rido
intaan ku shifaysan sheel allaha ku rido
sharwadeenada sheel allaha ku rido
shekh axmed madaxweyne mudane shin dhalad baad
tahiyo dayax qurux lagu shixnaday……
Reply
Ali Zubeer says:
May 15, 2013 at 17:37
Shame on you. Doorasho xalaal ayaa dhacday markaasaad dhabarka ka tooganaysaan walaalkiin inta ay ilka yar weli hadlin.
Wixii qas ka dhaca kismaayo ogaada inaad gacan ku leedihihiin.
I can’t believe your political limited view inaad ku qastaan rabitaanka reer Jubbaland.
Guul H E president Axmed Madoobe
Reply
Ali Zubeer says:
May 15, 2013 at 17:40
Cabdi Cali sida wax u dhaceen waxaa weeye odayaashii ayaa ku shiray Jamaacadda kuwaa oo ahaa ergooyinka.
jLoserskii waa isaga hadheen, dadkiina waxay u codeeyeen Axmed Madoobe oo markii horeba la filayey inuu ku soo baxdow madaxtinnimada .
Jirra :ducktales: da ku hayso iska dhaaf. Haddii dagaalka soo socdo soo raac ilkayar
Jubbaland anigaa iska leh
Reply
balqis boosaaso says:
May 15, 2013 at 18:14
halbalyo iyo bogaadein madaxweyn jubbaland
meeshan http://www.dunidaonline.com/
Reply
Cabdi Cali says:
May 15, 2013 at 18:23
Cali Zubeer,
Alaa mahad leh jiro imaheeysa waxaanse kuu sheegayaa in erito Absamaha iska dhaafee markii Ogadeen isqabqabsado xal u hel. Mida kale Ilka yar iyo ilka weeynba waligeey ma aanan raacin waxaan danta dadkeeyga aheen. Fikrad ayaa la dhiibtaa qof aadan garaneen waxba

OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE

Hello, Has your question been answered on this page? We hope yes. If not, you can start a new thread and post your question(s). It is free to join. You can also search our over a million pages (just scroll up and use our site-wide search box) or browse the forums.

  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - General Discussions”

Who is online

Users browsing this forum: No registered users and 36 guests