Welcome to SomaliNet Forums, a friendly and gigantic Somali centric active community. Login to hide this block

You are currently viewing this page as a guest. By joining our community you will have the ability to post topics, ask questions, educate others, use the advanced search, subscribe to threads and access many, many other features. Registration is quick, simple and absolutely free. Join SomaliNet forums today! Please note that registered members with over 50 posts see no ads whatsoever! Are you new to SomaliNet? These forums with millions of posts are just one section of a much larger site. Just visit the front page and use the top links to explore deep into SomaliNet oasis, Somali singles, Somali business directory, Somali job bank and much more. Click here to login. If you need to reset your password, click here. If you have any problems with the registration process or your account login, please contact us.

Amiir Gurguurte on the enemy regional states

Daily chitchat on Somali politics.

Moderator: Moderators

OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE
AhlulbaytSoldier
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 20301
Joined: Fri Feb 08, 2008 4:50 am
Location: Persian Empire

Amiir Gurguurte on the enemy regional states

Postby AhlulbaytSoldier » Sat May 18, 2013 8:33 am

Madaxweynaha Soomaaliya oo ka Hadlay Arrimaha Jubbooyinka iyo Gooni-isku-taagga Maamulka Somaliland
Sabti, May 18, 2013 (HOL) — Madaxweynaha Somalia, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa markii ugu horreysay ka hadlay arrimaha ka taagan Jubbooyinka, isagoo sheegay in waxyaabaha ka taagan ay qayb ka yihiin waxyaabihii ay muddada ka digaysay dowladda.

Sidoo kale, Xasan Sheekh ayaa ka hadlay Somaliland, isagoo xusay in midnimada Soomaaliya ay tahay mid muqadas ah, loona baahan yahay in shacabka ku nool gobollada Waqooyiga Soomaaliya ay dib u liqaan hankooda.

"Waxyaabaha ka dhacaya Jubbooyinka waa arrimihii ay dowladdu ka digayso muddooyinkii lasoo dhaafay, waxaana caddaatay in shirarkii Jubbooyinka ka socday iyo wixii kasoo baxayba aysan ahayn wax loo dhamaa," ayuu yiri Xasan Sheekh oo ka hadlayay xaflad lagu furayay xarun lagu xannaaneeyo agoonta oo laga furay degmada Wadajir ee gobolka Banaadir.

Xaruntan lagu xannaaneynayo agoobta oo lagu magacaabo ANADOL ayaa waxaa maalgelisay dowladda Turkiga, iyadoo loogu talogalay in lagu xannaaneeyo saddex 300 oo agoon Soomaaliyeed ah si ay u helaan nolol wanaagsan iyo waxbarasho.

Madaxweyne Xasan ayaa sheegay in shacabka ku nool Jubbooyinka ay yihin dad nabadeed; sidaasi darteedna aan loo baahnayn in colaad la geliyo, isagoo sheegay inay wali jirto fursad xal looga gaari karo arrimaha ka taagan Jubbooyinka.

Dhanka kale, madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh oo soo hadal qaaday arrimaha Somaliland ayaa sheegay in la gaaray xiliga la xajin lahaa midnimda ummadda Soomaaliyeed; ayna tahay in meel la iska dhigao waxyaabihii lasoo dhaafay lagana fikiro mustaqbalka dalka iyo dadka Soomaaliyeed.

Madaxweynuhu wuxuu sheegay inaysan jirin wax colaad ah oo dadka ku nool Koonfurta ay u qabaan dadka waqooyiga Soomaaliya ku nool, sidoo kalena loo baahan yahay in laga shaqeeyo sidii midnimada loo adkeyn lahaa.

Hadalka madaxweynaha ayaa kusoo beegmaya xilli Somaliland ay u dabaal-degayso maalinta sanad-guuradii 22-aad ee kasoo wareegtay markii ay ku dhawaaqday Somaliland inay ka go'day Somalia inteeda kale.

Ugu dambeyn, madaxweynuhu wuxuu ka hadlay arrimaha federaalka; isagoo sheegay in dowladda Somalia ay ogoshahay in Somalia laga hirgeliyo federaalka; balse loo baahan yahay in laga fikiro sidii lagu dhaqangelin lahaa.

OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE

Hello, Has your question been answered on this page? We hope yes. If not, you can start a new thread and post your question(s). It is free to join. You can also search our over a million pages (just scroll up and use our site-wide search box) or browse the forums.

  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - General Discussions”

Who is online

Users browsing this forum: bashe19, Garadkin and 24 guests