Moderators: Moderators, Junior Moderators

Jawiga Kismaayo ayaa ah mid aad u xasiloon marka laga soo tago xaaladaha ay saxaafadu abuurayso majiraan ciidan ama kooxo isku haysta maamulka magaalada Kismaayo oo xaqiiqa ahaan uga jira Kismaayo.
Wafdigii IGAD oo la kulmay Axmed Madoobe
Print here| By: allgedo.com: Saturday, May 18, 2013 // 5 Jawaabood
Wafdiga oo uu hoggaaminayo xog-hayaha guud ee urur-goboleedka IGAD, Maxbuub Macallin ayaa garoonka diyaaradaha ee magaalada Kismaayo waxay kulan hal saac qaatay kula yeesheen madaxweynaha cusub ee maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) iyo ku xigeenkiisa, Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag iyo saxiixayaasha maamulka Jubbaland.
Ilaa hadda si rasmi ah looma oga qodobbada ay uga wada hadleen kulanka, hase ahaatee wafdiga IGAD ayaa qiimeyn wuxuu ku sameynayaa sida ay u dhacday doorashada madaxtinnimo ee Jubbaland iyo xaaladda ka jirta magaalada Kismaayo .
Wafdiga ayaa lagu wadaa inay booqdaan xarunta jaamacadda Kismaayo iyagoo halkaas kula kulmi doona ergooyinka dhisay maamulka Jubbaland iyo qeybaha bulshada.
Kulan saddex geesood ah ayaa sidoo kale lagu wadaa in uu galabta ka dhaco garoonka diyaaradaha ee Kismaayo kaas oo u dhaxeyn doona wafdiga IGAD, maamulka Jubbaland iyo guddiga xaqiiqo raadinta ah ee dowladda federaalka Soomaaliya ay u dirtay Kismaayo.
Aden Xasan, Kismaayo/Somalia.
Allgedo News Media Network
allgedo@allgedo.com
http://www.allgedo.com/2013/05/18/wafdi ... d-madoobe/

I think if Madoobe does not soon get help from Iley or Puntland forces he will be intimidated out of the town one neighborhood at a time as more Sade...Ooopsies, I mean government forces accumulate in Kismaayo.
we are now talking about a sizable army that can send Madoobe packing in just one clash.
Adero Bare's show is past.This is an IGAD project so it is only right they will support their tools. Barre does not need end recognition from IGAD. He has all the support he needs from the people of Jubbaland.
Kismaayo oo saaka ku waabariistay ciidamo ku labisan direys khaas ah
May 20, 2013 // admin1 // News
Shacabka magaalada Kismaayo ayaa saaka markii ugu horaysay indhaha ku dhuftay ciidamo farabadan oo lagu soo daadiyay wadooyinka magaalada kuwaas oo ku labisan direys khaas ah.Ciidamadan ayaa ah ciidanka Booliska ee dowlada goboleedka Jubbaland waxaana loogu talagalay inay sugaan amniga magaalada.
Ciidamadan ayaa ku labisan direys khaas ah oo mudo 2 isbuuc ka hor soo gaadhay magaalada Kismaayo.Direyskan oo ah mid gaar ah Booliska Jubbaland ayaa loogu talagalay in lagu adkeeyo amniga loogana hortago dambiilayaasha isu ekaysiiya ciidanka ee intay soo xidhaan direyska ciidamada falal dambiyeed ku gala.
Talaabadan ayaa qeyb ka ah dhameystirka Hay’adaha amniga ee maamul goboleedka Jubbaland.
http://dhanaan.com/kismaayo-oo-saak-ku- ... -khaas-ah/

TRANSLATE FOR US PLEASE!!!!, what is it saying the news!!!Kismaayo oo saaka ku waabariistay ciidamo ku labisan direys khaas ah
May 20, 2013 // admin1 // News
Shacabka magaalada Kismaayo ayaa saaka markii ugu horaysay indhaha ku dhuftay ciidamo farabadan oo lagu soo daadiyay wadooyinka magaalada kuwaas oo ku labisan direys khaas ah.Ciidamadan ayaa ah ciidanka Booliska ee dowlada goboleedka Jubbaland waxaana loogu talagalay inay sugaan amniga magaalada.
Ciidamadan ayaa ku labisan direys khaas ah oo mudo 2 isbuuc ka hor soo gaadhay magaalada Kismaayo.Direyskan oo ah mid gaar ah Booliska Jubbaland ayaa loogu talagalay in lagu adkeeyo amniga loogana hortago dambiilayaasha isu ekaysiiya ciidanka ee intay soo xidhaan direyska ciidamada falal dambiyeed ku gala.
Talaabadan ayaa qeyb ka ah dhameystirka Hay’adaha amniga ee maamul goboleedka Jubbaland.
http://dhanaan.com/kismaayo-oo-saak-ku- ... -khaas-ah/
![]()
![]()

ON who's order, which one of the 4 president has ordered them to begin their duty

Users browsing this forum: No registered users and 6 guests