Wararka Shabakada Allgalgaduud ka helayso magaalada caabudwaaq ayaa sheegaya in Masuuliyiinta degmada Caabudwaaq sheegeen inaysan Masuuliiyiinta maamulka Khaatumo State ka dhoofi karin kana soo degi karin garoonka diyaaradaha ee magaalada caabudwaaq,waxaana arrimahaasi soo dhaweeyey shacab badan oo ku dhaqan gobolka galgaduud.
Masuuliyiinta Maamulka Khaatumo State ayaa sanadihii ugu dambeeyey waxay adeegsan jireen garoonka diyaaradaha magaalada caabudwaaq oo u ahaa marin muhiim ah oo ay u adeegsadaan socdaalada ay ku aadayaan caasimadda soomaaliya ee muqdisho iyo wadamada dibedda.
Maamulka Khaatumo waxaa uu samaystey garoon macmal ah kaasi oo ay hal ka soo dageen diyaarad ay la socdeen waxgarad iyo masuuliyiin ka tirsan maaamulka Khaatumo,waxaana arrintaasi aad uga carooday maamuladda labada dhinac ka xige ee Puntland iyo somaliland oo hanjabaad u direy diyaaradii soo qaaday isla markaasna ku amaray inaysan mar dambe soo cago dhigen degaanada lagu mursan yahay iyagoo ugu hanjabay inay ka joojin doonaan duulimaadyada ay ku yimaadaan degaanada Puntland iyo Somaliland. Waxaana arrintaasi fulisay shirkadii diyaaradaasi lahayd.
Maamulka Khaatumo oo xilliyadii ugu dambeeyey adeegsan jirey Garoonka degmada caabudwaaq ayaan la ogeyn meesha ay madaxda maamulkaasi ka duuli doonaan ama ka soo deji doonaan hadii ay u baahdaan safar dhinaca cirka ah,lama yaqaan sababaha ka dambeeya in Maamulka degmada caabudwaaq taalabadaasi ku dhaqaaqaan.
Samsam Cabdilaahi Aadan
Garoowe,Somalia,
Beesha won't tolerate this bull anymore.



shame politics has come between the brotherly clans? saacid nor galaydh represent dhulbahante or mareexaan.


