Welcome to SomaliNet Forums, a friendly and gigantic Somali centric active community. Login to hide this block

You are currently viewing this page as a guest. By joining our community you will have the ability to post topics, ask questions, educate others, use the advanced search, subscribe to threads and access many, many other features. Registration is quick, simple and absolutely free. Join SomaliNet forums today! Please note that registered members with over 50 posts see no ads whatsoever! Are you new to SomaliNet? These forums with millions of posts are just one section of a much larger site. Just visit the front page and use the top links to explore deep into SomaliNet oasis, Somali singles, Somali business directory, Somali job bank and much more. Click here to login. If you need to reset your password, click here. If you have any problems with the registration process or your account login, please contact us.

Mujahid Axmed Siilaanyo on his way to France paris

Dedicated for Somaliland politics and affairs.

Moderator: Moderators

OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE
User avatar
Khalid Ali
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 30834
Joined: Mon Oct 18, 2004 11:03 am
Location: Suldaan Emperior Gacanyarihisa

Mujahid Axmed Siilaanyo on his way to France paris

Postby Khalid Ali » Sat May 25, 2013 8:44 am

Oo Casuumad Rasmi Ah U Fidisay Madaxweyne Siilaanyo Hargeysa Safiirka dawladda Faransiiska u qaabilsan Somaliland iyo Soomaaliya Ambassador Etienne De Poncins oo shallay booqasho ku yimid magaalo madaxda Somaliland ee Hargeysa ayaa u gudbiyey madaxweynaha Somaliland Axmed Siilaanyo martiqaad rasmi ah oo dawladda faransiisku u fidisay madaxweynaha Somaliland.

Ambassador Etienne De Poncins oo shallay kulan kula yeeshay madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo xarunta madaxtooyada ee caasimadda Hargeysa ayaa u dhiibay waraaq martiqaad ah oo u usoo dhiibay ra’isal wasaaraha dalka France Jean-Marc Ayrault waraaqdaasi oo weedhahii ku qora ay ahaayeen sidani

“Mudane madaxweyne waxaan halkani kuugu soo gudbinaya martiqaad rasmi ah inaad timaado France si aad kulano ula yeelato dawladda iyo madaxda dalka faransiiska markasta oo wakhtigu ku saamaxo” ayaa lagu yidhi waraaqda.

Safiirka France ee Somaliland iyo Soomaaliya Ambassador Etienne De Poncins oo la hadlaayey warfidiyeenadda ka dib markii uu kulanka la yeeshay madaxweyne Siilaanyo ayaa sheegay in faransiisku uu aad u danaynaayo inuu xidhiidh siyaasadeed iyo mid ganacsi la yeesho Somaliland “waxaan halkani u imid in la bilaabo waji cusub iyo xidhiidh cusub oo siyaasadeed oo aanu jecelahay inuu u furmo Somaliland iyo France, waxaa France ay jeceshahay inay xidhiidh ganacsi iyo mid siyaasadeedba la yeelato Somaliland” ayuu yidhi Ambassador Etienne De Poncins oo ka jawaabaayey su’aal ay war fidiyeenadu weydiiyeen.

Madaxweynaha Faransiiska Nicolas Hollande ayaa lagu wadaa inuu dhawaan ka soo qayb gallo munaasabadda 50 sanno guuradda aas aaskii ururka Midawga Afrika oo lagu qabanayo magaalada Addis Ababa.

Madaxweyne Hollande oo dhawaan la hadlaayey telefishanka Africa24 ayaa u sheegay in Faransiisku uu doonayo inuu balaadhiyo xidhiidhkii uu la lahaa qaarada Afrika.

OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE

Hello, Has your question been answered on this page? We hope yes. If not, you can start a new thread and post your question(s). It is free to join. You can also search our over a million pages (just scroll up and use our site-wide search box) or browse the forums.

  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - Somaliland”

Who is online

Users browsing this forum: No registered users and 2 guests