Dabley hubeysan ayaa xalay ku dilay deegaan u dhow degmada Bacaadweyn ee Gobolka Mudug Qoys xoolo dhaqato ahaa.
Weerarkan oo ahaa mid naxdin leh ayaa la sheegay alka ku hayay aanooyin qabiil oo ku soo laab-laabanayay deegaanada koofur bari Mudug.
Dableyda hubeysan ayaa dilay qoys dhan oo ka kooban, labo canug, hooyadood iyo aabahood oo macalin ahaa, qof kalena waa ay dhaawaceen, halka wiil yar oo 14-jir ahaa uu baxsaday.
Wararka ayaa sheegaya in dableyda hubeysan ay qaateen xoolihii ay dhaqaayeen qoyskaas, inkastoo aan la sheegi karin tirada xoolaha.
Maamulka Galmudug ayaan wali ka hadlin dhacdada naxdinta leh ee ka dhacday deegaan lagu magacaabo Laba-ceel oo hoos taga degmada Bacaadweyn.
Ma ahan markii u horeysay ee dilal ku saleysan aanooyin qabiil ka dhacaan deegaano ka tirsan gobolada Dhexe ee Soomaaliya.






