http://www.hiiraan.com/news/2013/May/wa ... -22072.htm
Basically these hawadles want to keep the old tradions where you got the governor and the mayor of baladweyne both being hawadle like dabageed and adan garaaso during cabdullahi yusuf era or abdi fatax afrax and cusman barre during sheekh sharif era and lastly they set up a council system that elects the mayor instead of appointing him like mahamed hassan nuur replaced by the new non hawadle mayor wich is unpresidential event.
The domestical odey who initiated this fitna is a well known in hiiraan for being a problem maker and once he tried to dethrone the hawadle ugaas. He is called xooshoow corontale from adan warsame subclan.
What these elders said is over exaggrated and based on rumors that there are still 9 members but the minister has added only two members one is a dir. They accepted it first but when the new two was added with some rumors they gone crazy
According to their logic non of these clans had fought for hiiraan!
The real number of maamulka members are 11, hawadles had the governor and two members, gaaljecel had 2 members and the rest each with one member.
The governor hawadle
Mayor of baladweyne udeejeen(they are close to hawadle traditionally but are mudulood clan-wise)
Two gaaljecel and jajeele deputies.
There are now contacts between them and the govt and things will get sorted out.
war murtiyeed maamulka gobolka Hiiraan
Maamulka gobolka Hiiraan ee dowlada federaalka Somaliya wuxuu goostay in uu faah faahin ka bixiyo siyaasada ka soo cusboonaatay gobolka Hiiraan gaar ahaan odayaasha cabashada ka soo jeediyey magaalada B/weyne.
Waxaan qirsanahay in qaladaad uu jiro, loona baahanyahay si qaladka loo saxo in la maro wado ku haboon oo taxadar iyo feejignaan badan, si kalsoonidu aanay u dhumin.
Intii uusan madaxweynaha Somaliya u ambabixin dalka Japan waxaa kulan yeeshay madaxweynaha Somaliya mudane Xasan Sh. Maxamuud, gudoomiyaha gobolka Hiiraan mudane Cabdi Faarax, iyo wasiirka arimaha gudaha mudane C/kariim.
Dhamaan madaxda qaranka waxay isla garteen in qaladaadka jira ee ay cabashada ka keeneen odayaasha gobolka qaarkood loo baahan yahay in lagu xaliyo si degenaan ah, iyadoona dhamaan laga qeyb gelinayo waxgaradka gobolka Hiiraan.
Maamulka gobolka Hiiraan wuxuu bulshada Somaliyeed u cadeynayaa in Hiiraan guud ahaan ay laf dhabar u tahay qaranimada Somaliyeed sida ilaahay uga yeelay halka qariidad ahaan aay dhacdo ee bartamaha Soomaliya, lagamana yaabo in shacabka Hiiraan ogolaado in uu la baxo udub dhexaadkaas si qaranimada Somaliya u dunto.
Odayaasha iyo waxgardkii dhawaan warsaxaafadeedka ka soo saaray magaalada B/weyne, maamulku wuu fahamsan yahay waxyaabaha ay ka cabanayaan waana in aanu dhamaan iska kaashanaa sidii horey loogu socon lahaa, waqtigu wuu soconayaa waxaana na sugaya in aanu cadowga ka wada xoreysano gobolka intiisa kale si mustaqbalka aanu u gaarno in shacabku soo doortaan cidii aay u arkaan in aay maslaxadi ugu jirto.
Ugu dambeyn maamulka gobolka Hiiraan wuxuu soo dhaweynayaa cid kastaa in ay aragtiyadooda ku cabiraan si wanaagsan oo diinteena islaamka iyo dhaqankeena wanaagsan aan ka horimaaneyn.
Wabilaahi Towfiiq.
Gudoomiyaha gobolka Hiiraan
Mudane Cabdi Faarax Sharaawe (Laqanyo)



