Welcome to SomaliNet Forums, a friendly and gigantic Somali centric active community. Login to hide this block

You are currently viewing this page as a guest. By joining our community you will have the ability to post topics, ask questions, educate others, use the advanced search, subscribe to threads and access many, many other features. Registration is quick, simple and absolutely free. Join SomaliNet forums today! Please note that registered members with over 50 posts see no ads whatsoever! Are you new to SomaliNet? These forums with millions of posts are just one section of a much larger site. Just visit the front page and use the top links to explore deep into SomaliNet oasis, Somali singles, Somali business directory, Somali job bank and much more. Click here to login. If you need to reset your password, click here. If you have any problems with the registration process or your account login, please contact us.

Xaruntii Axmad Madoowe oo gacanta u gashay Barre Hiiraale

Daily chitchat on Somali politics.

Moderator: Moderators

OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE
User avatar
zingii
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 9937
Joined: Thu Sep 11, 2008 2:43 am
Location: Agah, Arlee, Boowe, Gaw, Nooh.

Xaruntii Axmad Madoowe oo gacanta u gashay Barre Hiiraale

Postby zingii » Sat Jun 29, 2013 6:18 am

29 June 2013 Waagacusub.com-Maleeshiyadda Barre Hiiraale ayaa xalay saqdii dhexe gumaca rasaasta kula wareegay Madaxtooyadda Hogaamiyaha Jabhada Raaskambooni iyo inta badan gacan ku heynta Magaalada Kismayo.



Xoogaga Barre Hiiraale waxay sidoo kale qabsadeen xarunta degmada Kismaayo, saldhigga booliska,xarunta Gobolka K2,suuq Yaraha,suuqa shidaalka,Xarunta Idaacadii ku hadli jirtay afka Ahmed Madoobe iyo dhammaan xarunta gaadiidka FIAT.

Dagaalka oo la xaqiijiyay inay ku dhinteen ku dhawaad konton qof ayaa socday ilaa shalay,waxaana xilli dambe ku biiray Ciidamada Dowladda Somalia iyo Maleeshiyadda hogaamiye beeleedka Iftin Hassan Baasto.
Dagaalyahanada beesha Cawro male ee Iftin Baasto oo loo bixiyay guutada jugta culus iyo ma jixin jixiyaasha ayaa xalay dhoolatus balaaran ka sameeyay Aargada Kismayo oo ay sedex gaadiidka dagaalka uga qabsadeen Maleeshiyadda beesha Ogaadeen ee Jabhada Raaskambooni.
Ciidamadda Kenya ee ku sugan Dekadda iyo Garoonka Kismayo ayaa isku dayay inay difaacaan Madaxtooyadda Ahmed Madoobe iyo Idaacadii ku hadli jirtay afka Jabhada Raaskambooni hasse yeeshee dagaal jihooyin badan ka qabsaday darteed ayey ugu dambeyn ka baxeen aagaas.
Sida muuqato Kismayo waa lagu kala baxay,waxaana gudaha Magaalada ka biloowday in dadka loo laayo AANO qabiil.
Maleeshiyadda Beesha Cawramale ee hore loo liidi jiray ayaa loo taag waayay,waxayna xirteen wadada gasha Dekadda Kismaayo.
Xeeldheerayaasha ku sugan Kismaayo waxay Waagacusub u sheegeen in saacad walba uu qarxi karo dagaal u dhaxeeya huwanta Barre Hiiraale hogaaminayo iyo Ciidamadda Kenya.
Hogaamiyaha Jabhadda Raaskambooni oo Addis Ababa kula shirsan Madax ka tirsan Dowladda Somalia ayaa ku waabariistay in Magaaladii uu ku gorgortamay lala wareegay gacan ku heynteeda.

OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE

Hello, Has your question been answered on this page? We hope yes. If not, you can start a new thread and post your question(s). It is free to join. You can also search our over a million pages (just scroll up and use our site-wide search box) or browse the forums.

  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - General Discussions”

Who is online

Users browsing this forum: No registered users and 19 guests