Waxaa saaka arooryadii dagaal ka qarxay magaalada Qardho kadib markii ay halkaasi soo gaareen ciidamo wada sanaadiiqdii doorashooyinka Golaha deegaanka, kuwaasi oo soo galay magaalada xalay saqdii dhexe.
Shacabka magaalada oo ku baraarugay gaadiidka tiknikada ah ee waday sanaadiiqda oo ku sugnaa Xarunta Booliiska ayaa halkaasi kala hortagay mudaharaad xoogan, waxaana halkaasi ka bilaabatay rasaas ay ciidamada ku ridayeen dadka shacabka ah.
7dii subaxnimo ayuu dagaalka xoogeystay kadib markii ay shacab hubeysan weerar labaad ku qaadeen goobihii ay ku sugnaayeen ciidamada, waxaana halkaasi ka bilowday dagaal xoogleh oo la isu adeegsaday hubka Tiknikada.
Shacabka ayaa gacanta ku dhigay gaarigii siday sanaadiikhda, waxaana jira warar sheegaya in sidoo kale gaari Tikniko ah laga qabsaday ciidamada ka yimid magaalada Garowe.
Khasaaraha dhimashada ayaa warar is khilaafsan ka soo baxayaan, balse wararka intooda badan ayaa sheegaya in 3 kamid ah ciidamada iyo 2 qof oo rayid ah dagaalka ku dhinteen, dhaawaca ayaa intaasi ka badan.
Gurmad Ciidan
Magaalooyinka Bosaaso iyo Garowe ayey hada kasoo baxeen ciidamo gurmad ah oo ay xukuumada u direyso magaalada Qardho iyo ciidamada ku hareeraysan xarunta Booliiska, waxaana laga baqayaa in saacadaha soo socda uu dagaalka sii xoogeysan karo.
Maalinimadii Khamiista ayey bayaan ay beelaha gobalka Karkaar kasoo saareen doorashooyinka ay wado xukuumada Puntland ku tilmaamay inaan laga ogoleyn deegaanada Karkaar, iyagoo uga digay dowlada Puntland inay awood shacabka u adeegsadaan ama khal khal amniga geliyaan.
Waxaa magaalada Qardho hada laga dareemayaa dhaq dhaqaaq ciidan, waxaana markii ugu horeysay in muddo ah wadooyinka magaalada Qardho lagu arkay gaadiidka dagaalka ee hubka culus saaran yihiin oo ka garab dagaalamaya dadka shacabka ah ee kasoo horjeeda ciidamada magaalada soo galiyey sanaadiikhda doorashada.
Dhinaca kale magaalooyinka Iskushuban, Rako iyo Bander Bayla ayaa laga soo saaray labo maalmood kahor gaadiidkii waday sanaadiikhda doorashada kadib markii ay shacabkii halkaasi degenaa kasoo horjeesteen, magaalada Rako ayey sidoo kale ka dhaceen rasaas lala beegsaday ciidamadii halkaasi tagay oo markii danbe dib uga soo noqday.