Welcome to SomaliNet Forums, a friendly and gigantic Somali centric active community. Login to hide this block

You are currently viewing this page as a guest. By joining our community you will have the ability to post topics, ask questions, educate others, use the advanced search, subscribe to threads and access many, many other features. Registration is quick, simple and absolutely free. Join SomaliNet forums today! Please note that registered members with over 50 posts see no ads whatsoever! Are you new to SomaliNet? These forums with millions of posts are just one section of a much larger site. Just visit the front page and use the top links to explore deep into SomaliNet oasis, Somali singles, Somali business directory, Somali job bank and much more. Click here to login. If you need to reset your password, click here. If you have any problems with the registration process or your account login, please contact us.

Two Former Somali Prime Ministers Attend Conference PICS

Daily chitchat on Somali politics.

Moderator: Moderators

OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE
oxymoron
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 2505
Joined: Tue Jul 05, 2011 10:39 am
Location: Your BS starts and dies in Xamar, where you can't even go swimming without your Adoon boyfriends.

Two Former Somali Prime Ministers Attend Conference PICS

Postby oxymoron » Mon Sep 02, 2013 3:47 am

(Warbixin+Sawiro) Shirkii ka dhacay Addis Ababa ee ay ka qayb galeen Raysal Wasaarayaal Prof. Geedi iyo Prof. Gaas oo ajandihiisu ahaa “Dib u Dhisid Dowlad wax qaban karta iyo Hay’ado waxtar leh ee Soomaaliyeed”
Dib u Dhisid Dowlad wax qaban karta iyo Hay’ado waxtar leh ee Soomaaliyeed
Addis Ababa, 26 – 28 August 2013
(Rebuilding a Viable State and Effective Institutions in Somalia)


Image

Guddiga Dhaqaalaha Afrika ee Qaramada Midoobay (UN Economic Commission for Africa – UNECA) oo fadhigiisu uu yahay Magaalada Addis Ababa ee Dalkaasi Itoobiya, Dowladda Soomaaliyeed iyo Machadka “Horn Economic and Social Policy Institute – HESPI” oo xaruntiisu ay tahay Addis Ababa ayaa si wadajir ah u qaban qaabiyey shirka looga doodayey mowduuca kor ku xusan. Shirka oo saddex maalmood socday ayaa waxa ka soo qaybgalay siyaasiyiin iyo aqoonyahanno Soomaaliyeed iyo kuwa shisheeye oo mug weyn oo tiradooda lagu qiyaasay in ka badan kontomeeyo (over 50 participants) oo ka kala yimid dunida dacalladeeda kala duwan, ayna ka dhex muuqdeen Ra’iisul Wasaareyaal Hore ee Soomaaliyeed sida Prof. Cali Maxamed Geedi iyo Prof. Cabdiweli M. Cali Gaas oo labaduba shirka ka geystay aragtiyo qiimo badan iyo talooyin salka ku haya aqoontooda iyo waayo aragnimadooda la xiriirta hannaanka dowladnimo iyo sida loo soo celin karo xukun ku qotoma sharci iyo nidaam federaal ah ee Soomaaliyeed.
Furitaankii shirka ayaa waxa ka qaybgalay Danjiraha Soomaaliya u fadhiya Addis Ababa Mudane Axmed Cabdisalaam. Waxa kaloo shirka khudbad ka jeediyey Wakiilka Xoghayaha Guud ee QM u qaabilsan Soomaaliya Mudane Nicholas Kay. Waxa iyaduna xusid mudan ka qaybgalka Marwo Frannie Leauthier (Tanzanian) oo mar hore ahayd Guddoomiye-Xigeenka Bankiga Adduunka, waqtiga la joogana Madax ka ah Hay’ad Afrikaan oo loo yaqaan “AFRICAN CAPACITY BUILDING FOUNDATION – ACBF”. Intii uu shirku socday ayey labada Ra’iisul Wasaare waxay kala hoggaamiyeen ajendayaal muhiim ah kana mid ahaa qodobbada looga hadlay shirka kuwaasoo aad u soo jiitay ka qaybgalayaashii shirka.
Qodobbada shirka lagu lafaguray baa wax aka mid ahaa: Sidii loogu gudbi lahaa dimoqraadiyad sharci ah (Democratic Legitimacy), Dib u dhiska dalka iyo horumarintiisa, xukun sharci iyo ilaalinta xuquuqda Soomaalida (Rule of law and protecting Somalis and securing rights), sidii loo dabooli lahaa baahida asaasiga ah ee bulshada, gaar ahaan haweeka iyo dhallinyarada, Maamulka dhaqaalaha iyo dhisidda kartida hay’adaha (Economic Governance and Institutional capacity Building), Xiriirka Soomaalida iyo Beesha Caalamka, Dowrka Hoggaaminta ee Dhisidda Dowladnimo (The role of leadership in state-building).

Shirka gabogabadiisii ayaa waxa ka soo baxay:
Xagga Dastuurka:


In degdeg loo dhiso Guddiga Adeegga Garsoorka (Judicial Service Commission) si loo hormariyo xukunka sharciga (rule of law), loona dhiso Maxkamadda Dastuurka iyo Guddiga Xuquuqul Insaanka Soomaaliyeed. Dhismaha Guddiga Xuduudaha iyo Doorashooyinka, Diyaarinta Shuruucda Nidaamka Federaalka iyo Hannaanka Xisbiyada Badan, Dhismaha Guddiga Runta iyo Dib U Heshiisiinta (Truth and Reconciliation Commission).

Xagga Baahida Bulshada, gaar ahaan Haweenka iyo Dhallinyarada:

In ay dowladdu hirgeliso tababarro xirfadeed (vocational trainings) ee heerar kala duwan, shaqana loo abuuro dhallinyarada da’doodu ay u dhaxayso 14 ilaa 29 sannadood ee ku kala nool miyiga iyo magaalooyinka. In la abuuro Guddi Qaran ee u xilsaaran waxbaridda iyo shaqo u abuuridda dhallinyarada. In haweenka la siiyo fursado iyo mudnaan ay uga qayb qaataan dhammaan hawlaha lagu hormarinayo dalka sida siyaasadda, arrimaha bulshada iyo dhaqaalaha si simanna ay wax ula wadaagaan ragga. In haweenka loo abuuro xarumo lagu dhiso awooddooda, codkoodana lagu maqlo iyagoo ka qayb qaadanaya arrimaha caddaaladda, amniga, la dagaallanka argagixisada, nabadda iyo dhisidda dowladeed.

Xagga Dhaqaalaha:

Shirku wuxu isku raacay in la dhiso “Hay’adda Hufnaanta Maaliyadda (Financial Integrity Authority)” iyo Guddiga Ladagaallanka Muqmaasuqa (Anti-Corruption Committee”.
Shirka oo ku soo gabagaboobay jawi aad u wanaagsan ayaa dokumentigii ka soo baxay waxa loo gudbiyey dowladda Soomaaliyeed iyadoo loo sii marsiiyey Danjiraha Soomaaliyeed ee Addis Ababa Mudane Axmed Cabdisalaam. Daawo sawirrada Shirka.

Image
Image
Image
Image

OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE

Hello, Has your question been answered on this page? We hope yes. If not, you can start a new thread and post your question(s). It is free to join. You can also search our over a million pages (just scroll up and use our site-wide search box) or browse the forums.

  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - General Discussions”

Who is online

Users browsing this forum: barbarossa and 34 guests