Welcome to SomaliNet Forums, a friendly and gigantic Somali centric active community. Login to hide this block

You are currently viewing this page as a guest. By joining our community you will have the ability to post topics, ask questions, educate others, use the advanced search, subscribe to threads and access many, many other features. Registration is quick, simple and absolutely free. Join SomaliNet forums today! Please note that registered members with over 50 posts see no ads whatsoever! Are you new to SomaliNet? These forums with millions of posts are just one section of a much larger site. Just visit the front page and use the top links to explore deep into SomaliNet oasis, Somali singles, Somali business directory, Somali job bank and much more. Click here to login. If you need to reset your password, click here. If you have any problems with the registration process or your account login, please contact us.

president reaches jowhar

Daily chitchat on Somali politics.

Moderator: Moderators

OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE
User avatar
sahal80
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 21123
Joined: Sun Jan 08, 2012 1:49 pm

president reaches jowhar

Postby sahal80 » Mon Sep 09, 2013 8:14 am

No pics yet.

Baydhabo and kismayo(kismayo...omg. Not just the pro- adminstration group but the other groups who are angery at him) will be the next!

"Madaxweynaha Dowladda Soomaaliya iyo Wafdi uu Hoggaaminayo oo Safar dhulka ah ku gaaray Magaalada Jowhar
Isniin, September 09, 2013 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa safar dhulka ah ku gaaray degmada Jowhar ee gobolka Shabeellada Dhexe, iyadoo si weyn loogu soo dhaweeyay halkaas.

Wafdiga madaxweynaha oo ka koobnaa wasiir ku xigeenno, xidhibaanno iyo taliyeyaasha ciidamada ayaa waxay kulammo la yeelan doonaan waxgaradka iyo bulshada gobolkaas, sidoo kalena waxay la kulmi doonaan maamulka ka jira gobolkaas.

Ma jiro wax caqabad ah oo uu madaxweynuhu kala kulmay safarkiisa dhulka ah ee uu ku gaaray degmada Jowhar oo 90-km dhinaca waqooyi kaga beegan magaalada Muqdisho ee xarunta Soomaaliya.

“Socdaalka madaxweynaha uu ku tagay Jowhar wuxuu qayb ka yahay kuwo uu ku tagayo gobollada dalka uuna kula tashanayo shacabka ku nool si loo helo fikirrada bulshada ee ku aaddan sidii ay maamullo u sameyn lahaayeen,” ayuu yiri mas’uul sare oo ka tirsan dowladda Soomaaliya.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa toddobaadkii hore safar noocan oo kale ah ku tagay degmada Marko oo 90-km dhinaca Koonfureed kaga beegan magaalada Muqdisho ee xarunta Soomaaliya, inkastoo uu weerar la kulmay intii uusan gaarin Marko.

Ammaanka degmada Jowhar iyo waddada isku xirta Muqdisho iyo Jowhar ayaa si aad ah loo adkeeyay iyadoo ay ku sugan yihiin ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladda Soomaaliya, waxaana xiran ganacsiga iyo isku socodka dadka iyo gaadiidka degmada Jowhar.

Madaxweynaha Soomaliya ayaa shalay safar noocan oo kale ah ku tagay degmada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan, halkaasoo uu ku sugnaa tan iyo xalay, isagoo xalay kulammo la yeeshay waxgaradka gobolka Hiiraan, markii uu saakay kasoo baxayayna wuxuu tababar u soo xiray ciidammo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya.

Safarrada madaxweynaha Somalia uu ku tagayo gobollada iyo degmooyinka dalka ayaa waxay kusoo beegmayaan xilli 16-ka bishan lagu wado in dalka Belgium uu ka furmo shir looga hadlayo dib u dhiska Soomaaliya"

OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE

Hello, Has your question been answered on this page? We hope yes. If not, you can start a new thread and post your question(s). It is free to join. You can also search our over a million pages (just scroll up and use our site-wide search box) or browse the forums.

  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - General Discussions”

Who is online

Users browsing this forum: No registered users and 21 guests