Madaxweynaha iyo dawladiisa waa kuwii saxiixay heshiiskii JUBBA ADMIN oo ka kooban, Jubbada hoose, Jubbada dhexe, iyo jubbada kore oo loo yaqaan Gedo.
Jawaari oo ah gudoomiyaha baarlamaanka wuxuu asbuucan qalinka ku duugay in maamul 6 gobol ka kooban ay tolkiisa suubshaan oo ay Gedo ka midtahay.
Tani macnaheedu waxa weeye in Jawaari oo ah gudoomiyaha baarlamaanka uu ka soo horjeestay mowqifkii dowlada.
Madaxweynaha wuxuu is raacshay jubooyinka oo dhan oo ay Gedo ku jirto.
Jawaari wuxuu is raacshay Baay/Bakool/Gedo/Shabeelaha etc.
Labadan arin waa kuwo is jabinaya oo iska hor imaanaya.
Madaxweyne Xassan Shiikh haduusan ka hadlin arintan oo uusan gudoomiyaha baarlamaanka talaabo ka qaadin dowladan way fashilmi.
Haduu ka gaabsado oo uusan wax ka oran, waxay caddeyn u noqon inuu qorshaha wax ka wado, taasina waxay keeni in dowlado ay fashilanto.
Dawlada haddey fashilanto, waxan federaalka loogu yeero ayaa meesha ka baxaya.
Malaha madaxweynaha qorshihiisa ayaa ah inuu federaalnimada meesha ka saaro.
Balse tani waxey keeni kartaa in taariikhdii madoweyd dib loogu laabto.




