Welcome to SomaliNet Forums, a friendly and gigantic Somali centric active community. Login to hide this block

You are currently viewing this page as a guest. By joining our community you will have the ability to post topics, ask questions, educate others, use the advanced search, subscribe to threads and access many, many other features. Registration is quick, simple and absolutely free. Join SomaliNet forums today! Please note that registered members with over 50 posts see no ads whatsoever! Are you new to SomaliNet? These forums with millions of posts are just one section of a much larger site. Just visit the front page and use the top links to explore deep into SomaliNet oasis, Somali singles, Somali business directory, Somali job bank and much more. Click here to login. If you need to reset your password, click here. If you have any problems with the registration process or your account login, please contact us.

Ismail Omar Gullah: We Support the Gov't until the end

Daily chitchat on Somali politics.

Moderator: Moderators

OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE
User avatar
Somali-Transporter
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 4064
Joined: Thu Jun 15, 2006 8:19 pm
Location: ******
Contact:

Ismail Omar Gullah: We Support the Gov't until the end

Postby Somali-Transporter » Wed Oct 16, 2013 8:52 am

MADAXWEYNE GEELLE: “Ciidamadeennu way sii joogayaan Soomaaliya inta itaalkeennu yahayna waan taageeraynaa walaalaheen”
Image

Arbaco, Oktoobar 16, 2013 (HOL) — Madaxweynaha dalka Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle ayaa sheegay in ciidamada dalkiisa ee qaybga ka ah AMSIOM ay sii joogi doonaan Somalia inta ay cagaheeda isaga taagayso, amnigana dib looga soo celinayo, kaddib khudbad uu ka jeediyay munaasabadda ciidul Adxa oo lagu qabtay magaalada Jabuuti.

Geelle ayaa hambalyo u diiray ciidamada dalkiisa ee Soomaaliya ku sugan ; isagoo ku amaanay waxqabadka iyo dadaalka ay gacan ku siinayaan dadka Soomaaliyeed ee ay walaalaha yihiin, isagoo ugu baaqay inay howshooda ka sii wadaan halkaas.

"Hambalyo ayaan u dirayaa geesiyaasheena jooga Soomaaliya ee dadaalka ku bixinaya taageerada walaalahood. Itaalkeennu inta uu yahay waa sii wadi doonnaan taageerada iyo tababarrada aan siinayno ciidamada walaalaha ah ee Soomaaliyeed si ay dalkooda cadowga uga ceshadaan,” ayuu hadalkiisa ku daray.

Isagoo intaas ku daray in howsha ugu weyn ee ciidamadooda ay Soomaaliya u joogaan ay tahay sidii ay uga shaqeyn lahaayeen ammaanka iyo sidii ay u fududeyn lahaayeen howlaha nabadeed ee shacabka.

Madaxweynaha Jabuuti wuxuu sheegay inaysan hanjabaadaha ka imaanaya Al-Shabaab aysan shageysan doonin, isagoo kuwa hanjabaya ku sheegay in aysan ahayn iyaga, balse lagu adeeganayo oo kooxo kale ay hanjabaadda waddo.

" Hanjabaadaha ka imaanaya Al-shabaab oo dhiigga shacabka xalaaleystay ma ahan kuwo aan maqlayno, waayo waa kuwo dhibaato ku haya dadkii dad u xigay ee Soomaaliyeed, marka cid kale oo ay u naxayaan ma jirto," ayuu hadalkiisa ku daray madaxweynaha Jabuuti.

Dalka Jabuuti ayaa waxaa Soomaaliya kaga sugan hal guuto oo ciidammo ah, kuwaasoo ka howlgalaya deegaanno ka tirsan gobolka Hiiraan oo ay ku jirto magaalada xarunta ah ee Baladweyne.

Xarakada Al-Shabaab ayaa dhawaan ugu baaqay madaxweynaha Jabuuti in ciidamadiisa uu kala baxo Soomaaliya, haddii kale ay la kulmayaan cawaaqib iyo weeraro ay la beegsanayaan ciidankooda jooga gobolka Hiiraan.

SomaliDefenceCouncil
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 1913
Joined: Sun Sep 08, 2013 7:09 am

Re: Ismail Omar Gullah: We Support the Gov't until the end

Postby SomaliDefenceCouncil » Wed Oct 16, 2013 9:21 am

:dj: :up:


OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE

Hello, Has your question been answered on this page? We hope yes. If not, you can start a new thread and post your question(s). It is free to join. You can also search our over a million pages (just scroll up and use our site-wide search box) or browse the forums.

  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - General Discussions”

Who is online

Users browsing this forum: No registered users and 25 guests