Dhegeyso Odayaasha Baydhabo oo si caro leh uga hadlay Shirka Muqdisho,Shir kalena maanta uga furmay baydhabo
Iyadoo maanta Magaalada Muqdisho ka furmay shirka dib u heshiisiinta Jubooyinka ayaa iyadana shir kale oo maamul loogu soo dhisayo 6 gobol oo dhaca koonfurta Soomaliya uu isla maanta ka furmay Magaalada Baydhabo.
Waxaa maalmihii la soo dhaafay ku qul qulay magaalada Baydhabo Ergo badan oo ka socda qaar ka mid ah beelaha dega lixda gobol, waxaana maanta si rasmi ah uu u furmay shirkaas.
Odayaal ka mid ah kuwa ka qeyb galaya shirka Baydhabo ayaa sheegay in aysan jirin wax la yiraahdo Jubooyinka, kuna eedeeyay dowladda in ay dhibaato abuureyso.
http://markacadey.com/?p=1270




