The story behind the poem
Hooyoy La'aantaa Higgaad Lama Barteenoo
Hooyoy La'aantaa Hadal Lama Kareenoo
Ruuxaanad Habinoo
Kolba Aanad Hees iyo
Hoobey Ku Sabinoo
Hawshaada Waayaa
Hanaqaadi Maayee
hooyo Taftaada
dugsi Laga Helaayoo
Hooyoy Dhabtaadaa
Hurdo Lagu Gam'aayoo
Hooyoy Dushaadaa
Nabad Lagu Helaayoo
Waxa Lagu Hal-maalaa
Hooyo Ababintaadee
Hayin Lagu Badhaadhaay
Hogol Lagu Qaboobaay
Gogol Lama Huraaneey
Dugsigi Lagu Hirtaayee
Hidde Lagu Arooraay
http://www.nomadlyrics.com/song/6d9927cd8/hooyo.html




