Xildhibaanada DF oo diiday inuu Saacid la hadlo
1 Dec 1, 2013 - 4:52:30 AM
They Won't Even Let The Nigga Speak, Let Alone Stay Prime Minister. Walle Cadi Ma Aaha
Xildhibaannada Baarlamaanka DF ayaa maanta 01 Dec, 2013 diiday khudbad uu Ra'iisul wasaare Saacid uu u jeedin lahaa, taasoo uu doonayay inuu xildhibaanada uug sharaxo waxqabadka xukuumadiisa iyo qorshaha u dagsan.
Kulankii Baarlamaanka ee Maanta ayaa markii uu furmay waxaa qoraalka ka yimid Ra'iisul wasaaraha DF akhriyay Afhayeenka Baarlamaanka, taasoo isla markiiba dhalisay buuq weyn oo baarlamaanka hareeyay.
Buuq fara badan kadib ayaa wuxuu Prof. Maxamed Sh. Cismaan Jawaari uu ka dalbaday Xildhibaanada Baarlamaanka inay cod u qaadaan in Ra'iisul Wasaaruhu uu hadal u jeediyo iyo in kale, waxaana ay xildhibaanadu intooda badan isku raaceen inuusan imaan oo uusan hadal u jeedin.
Afhayeenka Baarlamaanka DF ayaa markaas kadib ka dalbaday xubnaha in ay bilaabaan doodii Mooshinka ka dhan ka ah Xukuumada Saacid, kaasoo ilaa hada ka socda Golaha Baarlamaanka.
Xildhibaano ka hadlay dooda ayaa qaarkood ay sheegeen in xukuumadu ay ku guuldareysatay inay fuliso howlihii laga doonayay inay ku qabato halkii sano ee ay shaqeynaysay, halka kuwo kalena ay sheegeen in xukuumada ay dadaal badan muujisay.
Dooda ayaa ah mid aad u kulul iyadoo xildhibaano hadlay Xildhibaanada ku dhaliileen inay hor-joogsadeen arin xaq ah oo uu Ra'iisul wasaaruhu isku difaaci lahaa maadamaa uu mooshin ka yaalo.
Maalinta berri ah ayaa lagu wadaa in la soo Gaba-gabeeyo Doodaha ay ka dhiibanayaan Xildhibaanadu Mooshinka kalsooni kala noqoshada Xukuumada Saacid, iyadoo isla berina codka loo qaadayo sida ay sheegeen xubno ku dhow-dhow Gudoonka Baarlamaanka.
Xildhibaanada Baarlamaanka ayaa aad ugu kala qaybsan Mooshinka iyadoo qaarkood ay sheegayaan in loo baahan yahay in Xukuumada lasiiyo waqti ay ku sii shaqeyso, halka kuwo kalena ay sheegeen inay tahay in xukuumada kal-soonida lagala laabto.
Mooshinkan ayaa salka ku haya Khilaaf soo dhexgalay Madaxweyne Xasan Sh. Maxamuud iyo Ra'iisul Wasaare Saacid Faarax Shirdoon, kaasoo markii hore ka dhashay Is-qabqabsi dhinaca Xulista Golaha Wasiirada cusub ah.
GAROWE ONLINE
http://www.garoweonline.com/artman2/pub ... adlo.shtml