Afartan dhalinyaro Soomaali ah oo la keenay Gaalkacyo ka dib markii laga sii daayey xabsiyada Jasiirada Maldives
Afartan dhallinyaro Soomaaliyeed ah oo muddo sanado ah ku xir-xirnaa xabsiyada jasiiradda Maldives ee badweynta India ayaa maanta laga soo dejiyey Garoonka diyaaraddaha ee woqooyiga magaalada Gaalkacyo.
C/risaaq Maxamuud Dirir agaasimaha la dagaallanka burcad-badeedda Puntland, oo dhallinyaradan horkacayey ayaa warbaahinta u sheegay in muddo dheer ay dadaal dheer ugu jireen sidii dhalinyaradan loo soo deyn lahaa ayna ku guuleysteen arintaas.
“Dhallinyaradaan maahan burcad badeed waxay xabsiyada ay ugu jireen falal la xiriira inay ku soo xad-gudbeen biyada Jasiiradda Maldives, waxayna dalkaasi ku xirnaayeen tan iyo sannadkii 2009-kii” ayuu intaa ku daray C/risaaq Maxamuud Dirir.
Agaasimaha la dagaalanka burcad-badeeda Puntland ayaa sheegay in dhalinyarada maanta ay keeneen ay yihiin kuwo xor ah, isagoo intaa ku daray in Puntland xilli walba ay ku dadaalayso sidii dhallinyarada Soomaaliyeed ee ku xir-xiran dalal dhowr ah loo soo dayn lahaa, gaar ahaan kuwa ay cadaato inaaney burcad badeed aheyn.
Dhalinyaradan oo rajo xumo iyo nolol ciriiri ah ay ku heysatay xabsiga laga soo saaray ayaa markii ay yimaadeen Gaalkacyo farxad la ilmeeyey qaarkood, halka qaar kalena ay sujuud la dhaceen iyagoo Alle ugu mahadinaya xabsiga ay dhowrka sano ku jireen, waxayna dib ula midoobeen qoysaskooda oo muddo dheer ay kala maqnayeen.
http://dayniilecom.com/December2013/03December15.htm





u mean back to baraxley
