Welcome to SomaliNet Forums, a friendly and gigantic Somali centric active community. Login to hide this block

You are currently viewing this page as a guest. By joining our community you will have the ability to post topics, ask questions, educate others, use the advanced search, subscribe to threads and access many, many other features. Registration is quick, simple and absolutely free. Join SomaliNet forums today! Please note that registered members with over 50 posts see no ads whatsoever! Are you new to SomaliNet? These forums with millions of posts are just one section of a much larger site. Just visit the front page and use the top links to explore deep into SomaliNet oasis, Somali singles, Somali business directory, Somali job bank and much more. Click here to login. If you need to reset your password, click here. If you have any problems with the registration process or your account login, please contact us.

Kismayo welcomes the new PM Cabdiweli Sheikh Axmed

Daily chitchat on Somali politics.

Moderator: Moderators

OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE
User avatar
Substance
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 3831
Joined: Sat Mar 24, 2012 5:56 pm
Location: Under The Neem Tree

Kismayo welcomes the new PM Cabdiweli Sheikh Axmed

Postby Substance » Sun Dec 15, 2013 8:02 am


User avatar
Substance
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 3831
Joined: Sat Mar 24, 2012 5:56 pm
Location: Under The Neem Tree

Re: Kismayo welcomes the new PM Cabdiweli Sheikh Axmed

Postby Substance » Sun Dec 15, 2013 10:29 am

Baydhabo supports and welcomes the new Pm

Baydhabo (AGGM): Magaalada Baydhabo ee xarunta Gobalka Baay, maanta waxaa lagu qabtay munaasabad weyn oo lagu soo dhaweynaye Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya C/wali Sheekh Axmed.

Waxaa ka qeybgalay munaasabad Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya, Wasiiro ka tirsan Xukuumadii Saacid iyo qaar kamid ah Odayaasha Dhaqanka Gobalka Baay.

Malaaq Maxamed Yacquub Sheekh Deerow oo ku hadlayaay magaca odayssah dhaqanka ee Gobolka Baay ayaa sheegay inay ka dhaqan ahaan ay taageersan yihiin ayna la shaeyn doonaan Ra’iisul wasaaraha usub ee Soomaaliya, isagoo ku baaqay in shacabka iyo Madaxda dalka ay si hufan ula shaqeeyaan R/wasaare C/weli Sheekh Axmed Maxamed.

Sidoo kale waxaa halkaasi ka hadlay Xildhibaan Cismaan Libaax oo kamid ah xubnaha Baarlamaanka Soomaaliya, waxaana uu ugu baaqay Xildhibaanada dalka inay codka kalsoonida ah siiyaan Ra’iisul Wasaaraha dalka.

Munaasabadaan maanta lagu qabtay xarunta ADC ee Magaalada Baydhabo ayaa sidoo kale waxaa kasoo qeybgalay Siihayaha Xafiiska Wasiir kuxigeenka Wasaarada warfaafinta Boostaha iyo Isgaarsiinta Ibraahim Isaaq Yaroow oo Madaxweynaha Soomaaliya ku amaanay sida uu usoo xulay Ra’iisul Wasaaraha dalka.

Isku soo wada duuboo tan iyo markii Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud uu ku dhawaaqay Ra’iisul Wasaarihiisa cusub, waxaa Magaalooyinka dalka qaarkood ka dhacaye Banaanbaxyo lagu soo dhaweynaye Ra’iisul Wasaaraha cusub.

User avatar
Substance
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 3831
Joined: Sat Mar 24, 2012 5:56 pm
Location: Under The Neem Tree

Re: Kismayo welcomes the new PM Cabdiweli Sheikh Axmed

Postby Substance » Sun Dec 15, 2013 10:32 am

Afgoye:

Image
): Banaanbaxani lagu taageerayay Ra’isul Wasaaraha Dhawaan uu magacaabay Madaxweynaha Dalka ayaa lagu qabtay degmada Afgooye ee gobolka Shabeelaha hoose, iyadoo isu soo baxaasi uu soo qaban qaabiyay maamulka degmadaasi, waxaana ka soo qeyb galay banaanbaxa qeybaha kal duwan ee bulshada ee ku nool halkaasi.

Guddoomiyaha ururka haweenka degmada Afgooye ee gobolka Shabeelaha Hoose Duniya Xasan Cali oo ka hadashay banaanbaxa ayaa sheegtay in ay aad ugu qanacsanyihiin magacaabista Ra’isul wasaaraha la magacaabay ee Dr C/weli Sheekh Axmed Maxamed, waxaana ay ka rajeysay in waxqabad muuqda uu la yimaado, islamarkaana uu ka samata bixiyo dalka dhibaatooyinka ragaadiyay.

Guddoomiyaha Degmada Afgooye ee gobolka Shabeelaha hoose C/llaahi Maxamed Iideey oo ka hadlay banaanbaxa ayaa muujiyay sida uu ugu faraxsan yahay magacaabista Ra’isul Wasaare C/weli Sheekh Axmed Maxamed, waxaana uu ugu baaqay baarlamaanka Dalka in codka kalsoonida ay siiyaan Dr C/weli Sheekh, isagoo u rajeeyay in Alle uu ku guuleeyo howsha baaxadda leh ee sugeysa.

Magaalooyinka dalkeena hooyo, iyo meelaha dunida ay kaga sugan yihiin Soomaalida ayaa si isku mid ah looga soo dhaweeyay magacaabista Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya uu u magacaabay Dr C/weli Sheekh Ra’isul wasaaraha Soomaaliya, iyadoo dadka Soomaaliyeed ay ugu baaqeen in waxqabad dhab ah uu la yimaado, waxaana ra’isul wasaaraha cusub laga sugaa ay tahay in dalkani uu ka samata bixiyo dhibaatooyinka ragaadiyay oo qaarkood hadda ay sii dhamaanayaan.


OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE

Hello, Has your question been answered on this page? We hope yes. If not, you can start a new thread and post your question(s). It is free to join. You can also search our over a million pages (just scroll up and use our site-wide search box) or browse the forums.

  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - General Discussions”

Who is online

Users browsing this forum: No registered users and 20 guests