Welcome to SomaliNet Forums, a friendly and gigantic Somali centric active community. Login to hide this block

You are currently viewing this page as a guest. By joining our community you will have the ability to post topics, ask questions, educate others, use the advanced search, subscribe to threads and access many, many other features. Registration is quick, simple and absolutely free. Join SomaliNet forums today! Please note that registered members with over 50 posts see no ads whatsoever! Are you new to SomaliNet? These forums with millions of posts are just one section of a much larger site. Just visit the front page and use the top links to explore deep into SomaliNet oasis, Somali singles, Somali business directory, Somali job bank and much more. Click here to login. If you need to reset your password, click here. If you have any problems with the registration process or your account login, please contact us.

Raysal Wasaare C/wali oo Fadeexeyay Ciidamada AMISOM+CADEYN

Daily chitchat on Somali politics.

Moderator: Moderators

OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE
User avatar
Even123
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 1368
Joined: Thu Oct 10, 2013 4:19 am

Raysal Wasaare C/wali oo Fadeexeyay Ciidamada AMISOM+CADEYN

Postby Even123 » Sun Feb 23, 2014 11:19 am

Tan iyo markii uu dhacay qaraxyadii iyo weerarkii kooxda Al-Shabaab ku eegteen madaxtooyada Soomaaliya ayaa waxaa soo baxayey dulduleelo ay leeyihiin ciidankii AMISOM ee ilaalinayey madaxtooyada iyo madaxda dalka Soomaaliyaba.

Dagaal qaraar oo dhexmaray kooxda xagjirka ah ee soo weerartay Madaxtooyada iyo ciidanka ilaalinayey madaxtooyada ayaa waxaa muuqatay inuu u dhexeeyey oo kaliya ciidamada Soomaalida oo aysan ka qeybgelin AMISOM. Waxaana taasi ay noqotay caalamad su’aal la saaray heerka ay joogto kalsooni lagu qabo ciidanka AMISOM.

Ra’iisul wasaare Dr, Abdiweli Shiikh Ahmed oo xilliga uu weerarkaasi dhacayey safar dibada ah ku maqnaa ayaa soo gaabiyey socdaalkaasi. Waxaana uu degdeg ugu soo noqday magaalada Muqdisho xilli ay geeriyi ku timid xubnihii ugu muhiimsanaa xafiiskiisa Ra’iisul wasaare oo ay ku jireen Maxamuud Cabdulle “Indhacase” iyo darawalkiisii Yantaar.


Image
Amin Arts oo sawir ku muujiyey shakiga halay AMISOM

Waxaana xogta Ra’iisul wasaaraha la siiyey ay noqotay inaysan ciidanka AMISOM dagaal adeg la gelin ciidankii Al-Shabaab ee awooda kusoo jiiray ammaankii lagu jiifay ee madaxtooyada ilaa ay gaareen Masjidka madaxda ay ku tukan jirtay oo ahaa mid aan sahal lagu gaari karin.

Ilo ku dhaw xafiiska Ra’iisul wasaaraha ayaa sheegaya inuu Dr, Abdiweli Shiikh Ahmed isla shalayba iska reebay ciidankii AMISOM ee ammaankiisa ilaalin jiray islamarkaana uu sameystay ciidamo Soomaaliyeed oo si gaar ah uga difaaca wixii qatar ah ee kasoo wajaha kooxaha nabaddiidka ah. Maadaama waxa dagaalka adeg Al-Shabaab madaxtooyada kula galay ay ahaayeen ciidanka Soomaaliyeed.

Somali Army guarding the PM Abdiweli and its envoy and not the Useless Amisom!
Image

Ra’iisul wasaare oo soo watay ciidan Soomaaliyeed kana soo tagay AMISOM maanta.

” Abdiweli Shiikh waxaa uu garowsaday in geesinimada iyo ammaanka ay ku jirto gacanta wiilasha ciidanka xooga dalka Soomaaliyeed kuwaasi oo jilibka u dhigi kara wixii qalqalgelinaya amaanka shacabka iyo madaxdaba” ayuu yiri howl-wadeen ka tirsan xafiiska Ra’iisulwasaaraha oo magaciisa codsaday in aan la shaacin.

Shalay mar uu ka qeybgalayey aaska allaha u naxariistee Maxamuud Indhacase ayuu Ra’iisulwasaare Abdiweli soo ka xeystay ciidanka Soomaaliyeed oo kaliya, isagoona magaalada dhowr meel kasoo maray. Waxaana marna lagu arkin ciidankii iyo baabuurta qafilan oo ay isticmaalaan AMISOM.

Iyaddoo taasi hadal heynteeda uu shalay jiray ayaa maantana waxaa uu Ra’iisul wasaare Abdiweli Shiikh Ahmed uga soo qeybgalay banaanbixii shacabka Muqdisho dhigeen ciidan Soomaaliyeed isaga oo wata islamarkaana ka maarmay ammaankii ay AMISOM u sugi jirtay.

” Shalay iyo Maanta Ra’iisul wasaaraha waxaa uu ficil ku muujiyey inuu aaminsan yahay ciidanka xooga dalka inay ammaanka gacan bir ah ku qaban karaan oo aan ciidan kale laheyn geesinimadooda oo kale. Waxaase arrintaasi wali guux badan ka keenay madaxda AMISOM oo shirar hoose leh” ayuu yiri Maxamed Cilmi Nuur oo ah siyaasi Soomaaliyeed oo maanta ka qeybgalay isku soo baxa Muqdisho.

Xeeldheerayaasha dhinaca ammaanka ayaa wax lala yaabo ku tilmaamay inuusan wax dhibaato ah kasoo gaarin dagaalkii madaxtooyada ciidankii AMISOM ee lagu haleynayey ammaanka madaxda. Halka ay meeshaasi dhaawac iyo dhimasho ay kala kulmeen ciidamadii Soomaaliyeed ee yareeyey khasaarihii ay rabeyn kooxda Al-Shabaab.

Shir xalay ka dhacay Madaxtooyada oo degdeg ahaa oo ay yeesheen golaha wasiirada iyo laamaha ammaanka ayaa wax badan la iska weydiiyey weerarkii madaxtooyada sida uu u dhacay iyo qaabka ay ciidanka madaxtooyada jooga ee isugu jira Somali iyo AMISOM uga qeybqaateen difaaciisa. Iyaddoona 5 cisho oo kaliya loo qabtay gudi wasiiro ah oo arrintaasi inay baaraan loo saaray.

Waa markii ugu horeysay oo Ra’iisul wasaare Soomaaliyeed laba maalin oo isku xigta Muqdisho ku dhex maro baabuur ay ilaalinayaan ciidan Soomaaliyeed oo kaliya, halkii awal AMISOM ku wadi jirtay baabuur qafilan oo waliba wadooyinka ay marayaan gebi ahaanba laga xiri jiray shacabka Soomaaliyeed.

AMISOM ayaa ilaa hadda si toos ah uga hadlin tuhunka soo galay ee ka imaanaya madaxda Dalka Soomaaliya ee ku aadan inaysan si daacad ah uga hortageyn kooxda Al-Shabaab iyo qatartooda. Dhaqaalaha ugu badan ee ciidan la siiyanaya waxaa qaata waa AMISOM. Halka aysan xilliyada qaar mushahar helin ciidanka Soomaaliyeed.
Last edited by Even123 on Sun Feb 23, 2014 11:22 am, edited 1 time in total.

User avatar
Hodan94
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 4928
Joined: Sat Jun 09, 2012 4:16 pm
Location: cirka iyo dhulka dhexdooda.

Re: Raysal Wasaare C/wali oo Fadeexeyay Ciidamada AMISOM+CAD

Postby Hodan94 » Sun Feb 23, 2014 11:20 am

where was amisom when the attacks happened??
just shows how weak they are. hasan sheikh must let the amisom go back home.

User avatar
Even123
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 1368
Joined: Thu Oct 10, 2013 4:19 am

Re: Raysal Wasaare C/wali oo Fadeexeyay Ciidamada AMISOM+CAD

Postby Even123 » Sun Feb 23, 2014 11:33 am

where was amisom when the attacks happened??
just shows how weak they are. hasan sheikh must let the amisom go back home.
soon insha'allah, the Somalia army will be ready to take the charge of the Somalia republic :up:


OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE

Hello, Has your question been answered on this page? We hope yes. If not, you can start a new thread and post your question(s). It is free to join. You can also search our over a million pages (just scroll up and use our site-wide search box) or browse the forums.

  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - General Discussions”

Who is online

Users browsing this forum: No registered users and 25 guests