
more pictures here................: http://radiyomuqdisho.so/munaasabad-lag ... e-sawirro/
Munaasabad lagu qabtay xarunta goobolka Nugaal ee magaalada Garoowe ayaa lagu soo dhaweynayey wax qabadka maamulka gobolka Benaadir ee uu ka wado magaalada Muqdisho, wax qabadkaas oo uu ka midyahay burburinta dhismayaasha sharci darrada ah iyo soo celinta hanti la kala haystay,
Munaasabadda waxaa ka qeybgalay maamulka degmada, kan gobolka Nugaal, iyo sidoo kale dad ganacsiyo kala duwan ku lahaa magaalada Muqdisho, kuwaas oo amaan usoo jeediyey guddoomiyaha gobolka Benaadir ahna duwa Muqdisho Mudane Xasan Maxamed Xuseen Muungaab.
Dadkii halkaas ka hadlay waxaa kamid ahaa Yuusuf Jaamac Degel islamarkaana ah mulkiilaha iska la leh Hotel Ex-Degel oo ku yaallay KM 4 ee magaalada Muqdisho.
Yuusuf ayaa sheegay in maamulka gobolka Benaadir uu qaaday tallaabo ay caddaaladi ku dheehantahay, islamarkaana ay ku faraxsanyihiin horumarka ka socda magaalada Muqdisho, isagoo ku dhiiri geliyay Mas’uuliyiinta Maamulka inay sii labo jibaaraan howlaha ay ugu adeegayaan bulshada.
Dhammaan dadkii munaasabaddaas ka hadlay ayaa isku raacay in maamulka gobolka Benaadir uu muujiyey caddaalad iyo horumar, taasoo keenikarta in ay dib isugu soo laabtaan bulsho weyntii Soomaaliyeed ee ku kala carartay dagaaladii ahliga ahaa ee dalka ka dhacay.




