Guud ahaan saraakisha iyo saraakil ku xigeenada dalka Jabuuti tababarka loogu qaadanayo waxaa ay dhan-yihiin 50-sarkaal,waxaana muddo saddex bilood ah ay soo qaadan doonan tababar lugu kordhinayo khibradooda ciidan,”ayuu yiri C/rishiid Xasan oo ah taliye ku-xigeenka qabta gobolka Mudug ahna taliyaha ciidanka Bir-madka gobolka Mudug.
C/rishiid Xasan waxuu kula dar daarmay saraakisha inay ka soo faa’ideystaan tababarka ay soo qaadanayaan.
“Waxaad u baxaysaan si dalkiina ad uga faa’ideysan khibrada ciidan ee la idin soo barayo,waxaan idin sheegaya inan la dayicin furda oo laga faa’ideysto,”ayuu yiri taliye ku xigeenka.
Taliye ku xigeenka qaybta booliska gobolka Mudug ayaa sheegay saraakishan inay yihiin qaybta ugu horreeysay ee tababarkan u baxaya,balse waxuu sheegay dowladda inay dadaal ku bixinayso horumarka ciidanka.
Qar ka mid ah saraakisha ciidanka ee tababarka u aadaya dalka Jabuuti,waxaa ay sheegen inay ku faraxsan-yihiin fursada ay u heleen inay siyaadiyaan khibradooda ciidan.
Puntland ayaa horay u sheegtay in saro loo qaadi doono tababarrada ay helayaan ciidanka booliska iyo kuwa militariga.












