
Adis Ababa (Afdheer) Arbaco 10. Diiseember 2014. Madaxweynaha Jubaland Axmed sh. Maxamed iyo ku xigeenkiisa Jen. Cabdullaahi Sh.Ismaciil fartaag iyo xubno kale ayaa ku sugan Adis Ababa.
Madaxda Jubaland ayaa la kulmay masuuliyiin Itoobiyaan ah oo ay ka mid yihiin Wasiirka arrimaha dibadda dalka Itoobiya Dr.Tedros Adhanom Ghebreyesus iyo madaxweynaha dowlad deegaanka soomaalida Itoobiya Cabdi Maxamed Cumar.
Waftigan ayaa madaxda Itoobiya kala hadlaya xiriirka maamul goboleedka Jubaland la leeyahay Itoobiya iyo in maamul goboleedka Jubaland laga caawiyo sidii saddexda gobol ee Jubaland looga saari lahaa kooxaha nabadda kasoo horjeeda si maamul goboleedku ugaaro dhammaan deegaanada ka maqan.
waftiga Jubaland ee ku sugan Adis Ababa ayaa gaaraya ku dhawaad 10 xubnood.
Adis Ababa, Itoobiya
Afdheer.com
==============================
Ciidamada Ethiopia oo la gayn doono deegaanada Jubbaland
(DhanaanMedia)
Wafdigii madaxweynaha Jubbaland ayaa maanta kulan la yeeshay Wasiirka arimaha Dibadda ee Ethiopia Tedros Adhanom.Kulankan oo markii soo idlaaday ahaa saxaafada loo yeedhay ayaa looga hadlay arimo at kamid yihiin xaalada amni ee maamulka Jubbaland,heshiiskii Addis Ababa iyo qodobo kale.
Labada dhinac ayaa isla qiray in si buuxda loo dhaqan geliyay heshiiskii Addis Ababa.
Qodobada kale ee kulanka kasoo baxay waxaa kamid ah in howlgaladii ka dhanka ahaa Alshabaab dhowaan bilaami doonaan iyo in ciidamo Itoobiyaan ah la gayn doono deegaanada Jubbaland si ay uga qayb qaataan la dagaalanka Alshabaab.
DhanaanMedia.com






