Where did you here this?Waa lagu kala kacay waana sidaan rabay, wanlaweyn hadday caqli leeyihiin iyagaa ku heshiin lahaa, markay arkeen in meel xasaasiya lasoo gaadhay oo markan laga wada hadlayo arrimo waaweyn oo gogol xaadh u ah sidii loo kala bixi lahaa, ayay dib isugu dhuuseen oo kuwii Somaliland ka saaqiday shirka usoo direen, Caqli wanlaweyn isma badalo.
Any conformations?
Wadahadaladii Somaliland Iyo Somalia Ee Turkiga Oo Lagu Kala Kacay
Smiley face
SHARE THIS
Add to Delicious facebook Share on FriendFeed google Diggtwitter submit to reddit myspace stumbleupontechnoratisubscribe rss
TAGS
gudidawadahadalada2Istanbul(ANN)Wadahadaladii la filay inay maanta Caasimada Dalka Turkiga ee Istanbul, ayaa lagu kala kacay, kadib markii khilaaf ka dhashay xubnaha ay xukuumadda Madaxweyne Xasan Sheekh ee Somalia usoo dirtay oo inta baddan kasoo jeeda Somaliland, taas oo ka cadhaysiisay xubnaha wefdiga Somaliland.
Wasiirka Warfaafinta Dawlada Somalia Maxamed Cabdi Xayir Maareeye, Wasiirka Duulista Hawadda Somalia Qoor-seef iyo xildhibaano oo dhamaantood kasoo jeeda Somaliland, ayaa xukuumadda Somalia u dirtay inay uga qaybgalaan wada hadalada Somaliland iyo Somalia ee la filay inay maanta ka furmaan Istanbul, balse waxa lagu kala kacay markii ay xubnaha ka socda Somalia noqdeen kuwo kasoo jeeda Somaliland.
Qodobada la filayay in lagu soo qaado wadahadalada oo maraya kulankii sideedaad, ayaa ah in markan loo gudbo arrimaha Siyaasada, iyadoo laga duulayo heshiiskii Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka ee Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweynaha Jamhuriyadda Somaliland, Mudane Axmed Maxamed Maxamuud Silaanyo ay ku gaadheen magaalada Djibouti bishii Disembar 2014.
Qoraal kasoo baxay Wasaaradda warfaafinta Somalia , ayaa lagu yidhi sidan:-
“Iyada oo la tixraacayo heshiiskii Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka ee Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweynaha Somaliland, Mudane Axmed Maxamed Maxamuud Silaanyo ay ku gaadheen magaalada Djibouti bishii Disembar 2014, Dowladda Federaalka ee Soomaaliya waxay magaalada Istanbul u dirtay wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Arrimaha Gudaha, Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen Odowaa, oo ka kooban Wasiirro, Xildhibaanno iyo mas’uuliyiin kale oo xag farsamo ah.
Wafdiga oo damaanad buuxda ka haysta Dowladda Federaalka ee Soomaaliya, waxaa uu caddeynayaa in uu diyaar u yahay in uu la fadhiisto Wafdiga Somaliland oo isaguna ku sugan Istanbul si loo guda galo wadaxaajood ku salaysan qodobbadii ay ku heshiiyeen labada Madaxweyne, oo ay ka mid tahay in la billaabo ka hadalka arrimaha siyaasadda ee masiiriga ah ee ka dhexeeya labada dhinac.
Wafdiga Dowladda Federaalka ee Soomaaliya waxaa ka go’an in uu dadaal walba ku bixiyo midnimada Jamhuriyadda Fedraaalka ee Soomaaliya.
Dowladda Federaalka ee Soomaaliya waxay uga mahadcelineysaa Dowladda Turkiga martigelinta labada wafdi iyo dhiirri gelinta wadahadalka labada dhinac.” Ayaa lagu yidhi qoraalka Wasaaradda Warfaafinta ee Dowladda Federaalka ee Soomaaliya.




