Hay’adda ZamZam ayaa ku soo bandhigtay magaalada Jowhar ee xarunta gobolka shabeelaha dhexe xog ku saabsan qilaafaadka iyo nabada oo ay ka soo uruuriyeen gobolada dalka Soomaliya.
Xog ururinta iyo cilmibaarista ay sameysay hay’adda ZamZam ayaa waxaa ay socotay muddo hal sano iyo bar ah, waxaana maanta lagu soo bandhigay kulan ballaaran oo lugu qabatay hotelka Suubiye ee magaalada Jowhar.
Kulanka lagu soo bandhigayay xog uruurinta iyo cilmi baarista ay samaysay Hay’ada ZamZam waxaa ka soo qeyb galay qeybaha kala duwan ee bulshada sida nabadoonada, dhalinyarada iyo haweenka ku dhaqan magaalada Jowhar.
Hay’ada ZamZam ayaa xog ururinteeda ku sheegtay in gobolka Shabeelaha dhexe baaris kadib ay usoo baxday in uu yahay gobolka ugu xasiloon gobolada ku yaala bartamaha iyo Koofurta Soomaaliya.
Kulankan oo ay goobjoog ka ahaayeen gudoomiye ku xigeenka gobolka Sh/Dhexe dhanka arrimaha bulshada Muxumed Sugaal Cismaan iyo duqa magaalada Jowhar Saalax Muudey Cali ayaa ugu mahad celiyay hay’adda Zamzam shaqada wanaagsan ay qabteen uguna hambalyeeyay shacabka gobolka Shabeelaha Dhexe natiijada cilmi baarista ka soo baxday.
Ugu danbeyntii waxaa kulanka la isku afgartay in la sii xoojiyo ka shaqeynta nabada iyo isdhexgalka bulshada, waxa ayna balan qaadeen maamulka iyo shacabkaba in ay gacmaha is qabsanayaan ayna ka shaqeyn doonaan horumarinta iyo nabad galayada gobolka Sh/dhexe.





