Welcome to SomaliNet Forums, a friendly and gigantic Somali centric active community. Login to hide this block

You are currently viewing this page as a guest. By joining our community you will have the ability to post topics, ask questions, educate others, use the advanced search, subscribe to threads and access many, many other features. Registration is quick, simple and absolutely free. Join SomaliNet forums today! Please note that registered members with over 50 posts see no ads whatsoever! Are you new to SomaliNet? These forums with millions of posts are just one section of a much larger site. Just visit the front page and use the top links to explore deep into SomaliNet oasis, Somali singles, Somali business directory, Somali job bank and much more. Click here to login. If you need to reset your password, click here. If you have any problems with the registration process or your account login, please contact us.

* Burburka Banaadir Iyo Point 5 * Muqdisho yaa u maqan?

Dadka ku dhaqan ama ka imaaday gobolkan

Moderators: Moderators, Junior Moderators

OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE
User avatar
1moonlight
SomaliNetizen
SomaliNetizen
Posts: 969
Joined: Sat Jan 29, 2011 4:32 pm
Location: Guriga Jid Cadaha Saaran.

* Burburka Banaadir Iyo Point 5 * Muqdisho yaa u maqan?

Postby 1moonlight » Thu Dec 31, 2015 5:34 am

Burburka Banaadir waa bilawga buburka dalka. Dadka maqaamka gobolka Banadir u doodaya weli ma dareensana burburka ku soo fool leh, waxayna xooga saareen aayaha maamulka laga dhisi doono gobolka marka la gaaro xilliga dhaqan gelinta maamul goboleedyada hadda la wado, waana tallaabooyin horseedi doona baaba’ , barakac iyo burbur ka baaxad weyn, kana balaayo badan kii la soo maray. Waana arrin inta wax garata ay dareemeen, dadka qaarna ay si kooban uga hadleen
Waa nasiib darro aad u weyn in Sharif Xasan u soo magacaabo guddoomiye degmo Ceelasha biyaha iyo xaafadda Jasiira ee ku dheggan degmada Wadajir. Wuxuu u ballanqaaday Hailemariam inuu ciidamada Ethiopia ka siin doono saldhig degmada Wadajir si ay u” daafacaan dowladda Koofur Galbeed” ee uu madaxweynaha ka yahay.

Haddii la waayo in dib loo howl-geliyo xuduudihii Ex-Banaadir oo ka koobnaa Sh/Dhexe iyo Sh/Hoose, waxaan ku tali lahaa in xadka shabeellaha dhexe uu la leeyahay Xamar uusan noqon tan hadda socota oo ah Ceel-Cirfiid & Ceel-Macaan oo ku yaalla bartamaha Muqdisho. Meeshaas waxaa la gala bixi karaa in Banaadir burbur qorsheysan loo maleegayo, dadka degganna aysan weli dareemin waxa ku soo socda, waxayna ku mashquulsan yihiin sidey uga heli lahaayeen boosas maamul goboleedka ”nuska ah” la dhisi doono, welina ma cada shuruudaha la adeegsan doono iyo meelaha loo mari doono, waa haddii Banaadir xisaabta ku jirto.

Haddaba, yaa laga sugayaa inuu badbaadiyo xuduudaha Banaadir? Maanta waxaa loo bahan yahay in la helo halyey u doodi kara, soona dhicin kara xuquuqda ay leyihiin dadka Xamar deggan oo nidaam kasta oo dalkaan soo maray ku dulmanaayeen weligood. Magaalada Xamar waa inay yeelataa xuduud laga daafici karo haddii la soo qado duulaan ka duwan kan hadda socda oo ah mid militari…sida loo daafici karana waxaa ugu horreysa in ay soohdinta ka soo billabataa, ugu yaraan, qiyaasti 100 km oo dhinca walba ah.
Dhinaca woqooyi laga soo billaabo Cadale iyo Gololey ama Jowhar agtiisa, koofurna ilaa Kabtan Laas oo ah jidka u leexda Qoryooley kaasoo kala bara Sh/Hoose..dhinaca kalena waa in soohdinta ay ahaataa Ballidoogle iyo ka sii xagga, si ay difaacidda u fududaato. Xasuuso inaan marna la aqbali karin in xadka Xamar uu naqdo sida ay rabaan cadawga caasimadda waana inuusan marna ka yaraan, wax kasta oo dhaca, inta kor ku xusan.

Ma laga yaabaa in Guddoomiyaha cusub ee Gobolka Yusuf Madaale uu dareensan yahay khatarta ku soo socota gobolka Banaadir oo diyaar ma u yahay inuu soo celsho maqaamki, soohdimihi iyo sharafti Xamar isagoon cidna u daba fadhiisan ama ka sugin inay go’aan ka gaarto. Waxaan aaminsanahay inay shaqadiisa ka mid tahay ilaalinta xuduuda Banaadir ee uusan cidna uga baahneyn in la faro ama la dareensiiyo qayb ka mida howshiisa (part of his job description)…haddii aysan tafaashiisa shaqadiisa ku xusneyna waxaa la soo gaaray xilligii lagu deri lahaa, khaladka jirana la sixi lahaa, ee diyaar ma u yahay inuu tadxiya sameeyo?!!

Arrinta Somaliya maanta waxay mareysaa in dad ay sheegtaan dhul aysan lahayn ay weliba xoog ku qabsadaan, magacyo u bixiyaan, maqaam uusan lahayna u raadiyaan, dadna dhulkoodi, sidi reer Ex-Banddir, ayaa la kala googoosanayaa, waxay arrintu taagan tahay (KALA BOOBOOBA BAAL II REEBA)..cidna uma maqna ceelna uma qodna…Banaadirey yaa ku leh?!!!
Dadka u dhashay Banaadir oo dhan waa inay billaabaan waxa loo yaqaano”lobying” oo ah xodxodasho lagu soo xero gelihayo labada Shabeelle si ay uga badbaadaan balaayada soo socota oo meel dhaq soo joogta.
Maqaamka Banaadir waa 5.5 kaddib markii ay hirgaleen shanti dowlad goboleed oo wata madaxweynayaashi ay doorteen ama loo dooray kuwaasoo maanta qayb ka ah dowr iyo kaalin fiicanna la filaayo inay ka cayaaraan, talana ka bixiyaan, mustaqbalka Somaliya. Banaadir waxay ka heshay nuska soo haray, mana jirto cid ka tala gelineysa mustaqbalka doorashooyinka dalka.

NIDAAMKA 4.5
Maamul goboleedyada Puntland & Jubbaland oo ah kuwa aadka uga soo horjeeda nidaamka 4.5 waxay illawsan yihiin in barlamaanka-ku-sheega ka jira gobolladaas uu ku saleysan yahay 4.5 oo ah midka kaliya ee maanta ummadaan lagu maamuli karo. Micnaha POINT 5 ma mahan quursi ama liidid qayb ka mida bulshada,waxaana lagu saleeyay tirada jufooyinka dalku u qaybsan yahay.
Sababta ay Puntland ugu dhegan tahay NIDAAM DEGMOOYIN waa iyagoo ku tashanaaya degmooyin laga guuray laba qarni ka hor inay tiro xildhibaana ah ku helaan.

Dhinaca Jubbaland Axmad Madoobe u maleyn maayo inuu kala yaqaano degmooyinka ay ka kooban Jubbada Hoose wuxuuna adeegsaday hal-ku-dheggi reer Bay oo ahaa INTEE IN JEEDE KIILA JIRAAY. Sababta uu C/weli Gaas ula saftayna waa mid ku saleysan is-jufeysi…waxaysan ogeyn in jufooyinku ay yihiin AFAR, iyaguna ay mathalaan hal jufo oo tiro ahaan laga badan yahay…waxaana la raacayaa nidaamka ay isku raacaan ama ay doortaan jufooyinka kale oo tiro ahaan aad iyo aad uga badan. Waa fiicnaan lahayd inuu C/weli Gas markuu tegayo Kismaayo uu kibirka iyo isla weynida uga tagto Garoowe.


http://caasimadda.com/xog-warran-burbur ... o-point-5/


http://www.ishabaydhaba.com/?p=75395






Su aal?

maxeey Reer Muqdisho uga hadli la yihiin xuduudaha Gobolka Banaadir?

mise Maamul Gobaleed waxa la dhaho waa maa weelo oo masii jiri doonaan?

i am in Muqdisho by the way and i have seen Koonfur Galbeed flag one in Jaziira and the other one in just before you enter Afgooye, xuduudaha Koonfur Galbeed waxaa ka arimiyo Abgaal oo kan Jaziiro iyo Madiino maamulo iyo kan Afgooye oo eey Maamulaan Sacad iyo Saleebaan, calanka Koonfur Galbeed waxaaba wado oo meel walba ka taagayo waa isla Hawiye oo waxaa cadeen u ah in dhoor bil ka hor ee ciidan Abgaal wada ah ee isku dhaceen oo dagaal ku dhex maray meelo Jaziira ka mid ah iyo Degmada Madiino ayagoo kala taageerayo maamulka Gobolka Banaadir iyo kan Koonfur Galbeed.
mala is dhihi karaa Hawiye ayagaa raali ka ah in Muqdisho sidaan loo bahdilo?

Gudoomiyaha Gobolka Banaadir muxuu uga hadli la yahay xuduudaha Gobolka Banaadir?

soo looma baahan doono mustaqbalka in Caasimada Muqdisho laba laariyo ama la weeyneeyo?

Beesha Mudulood oo Muqdisho ka arimiso maxeey ugu hadli la yihiin arintaan? mise ayagaa raali ka ah oo wato maamulka Koonfur Galbeed? i have visited deep down Shabeelada Hoose couple of days ago inteeda badan waxaa heesto ciidamo Abgaal oo ilaa iyo Qoryooleey daadsan iyo kuwa Murusade iyo HabarGidir oo ilaa Baraawe joogo.

User avatar
cheifaqilbari
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 1764
Joined: Wed Jul 22, 2015 11:21 pm

Re: * Burburka Banaadir Iyo Point 5 * Muqdisho yaa u maqan?

Postby cheifaqilbari » Thu Dec 31, 2015 12:48 pm

1moonlight, ruunti this federalism ongoing in moqadisho and the south is difficult to understand as dhibta la socoto federalism aan ku aragey dagaal inside moqadisho , gaalkacyo, iyo jubboyinka. Marka somalia going to Federalism or foour boint faaaive oo debeda Ethiopia iyo UN wadato. anyway hada joogey xamar sawiro qurux bdn noso dir .The most logical political process would have been , to go back from the military government 18 region to in the south the Italian colonial regions and continue from there. Sates within states only not gonna help.

User avatar
Strategic
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 4950
Joined: Mon Jul 13, 2015 5:06 am

Re: * Burburka Banaadir Iyo Point 5 * Muqdisho yaa u maqan?

Postby Strategic » Thu Dec 31, 2015 3:13 pm

This is why i dont support much of governor,instead of appeasing other clans we should not lose sight of our interests,ex-banadir region ends in turdho near lower jubba,but politics is tough nowadays with international community on the watch but i am sure as we progress it will come to its rightful place.waa nasiib darro in eelay lacag ku bixiso in lagu waardiyeeyo goofafka xamar banaankiisa ku yaala isntead of putting troops in turdho.this is hawiye pacifism 101


OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE

Hello, Has your question been answered on this page? We hope yes. If not, you can start a new thread and post your question(s). It is free to join. You can also search our over a million pages (just scroll up and use our site-wide search box) or browse the forums.

  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Provinces - Banaadir”

Who is online

Users browsing this forum: No registered users and 3 guests