WAR HADA AH: Ciidanka P/L oo lagu jabiyay dagaalka..(Wararkii ugu dambeeyay)
Faah faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaalka maalintii labaad ka socda deegaanka Suuj ee gobalka Nugaal halkasi oo ay ku dagaalamayaan Ciidanka Puntland iyo Alshabaab waxaana wararkii ugu dambeeyay ay sheegayaan in ciidanka Puntland dib loo soo riixay oo xaalada ku adag tahay.
Wararku waxa ay sheegayaan in Ciidamada maamulka Puntland lagu garaacay Hubka culus, waxaana lasoo warinayaa ciidamo gurmad u ahaa maleeshiyaadka ay dhabarka kasoo jabsheen Ciidamada.
Maleeshiyaadka ayaa sidoo kale la sheegayaa inay banaanka uga soo baxeen buuraha togga Suuj, iyaga oo adeegsanaaya gaadiid ay ka dhaceen Ciidamada Puntland.
Sidoo kale, wararku waxa ay intaa kusii darayaan in Ciidamada Puntland ay saakay ilaa iyo hadda dileen dagaalyahaano gaaraya ilaa 13 kuwaasi oo ay ku jiraan Hogaamiyayaal ka tirsan maleeshiyada duulaanka ku ah Puntland.
Dagaalka ayaa sii xoogeysanaaya waxaana laga cabsi qabaa in Dagaalka uu kusii baaho deegaano nabdoon kuwaasi oo xiga dhanka ay heystaan Ciidamada Puntland.
Lasoco warkaan wixii kusoo kordha insha’allah




