"Samo wade Siyaad hanti-wadaagu waa sinaan, Waa nidaamka ka dhigi kara dadka degnaansho!"
Iskuulkan oo qabyo ah wakhti xaadirkan ayaa wuxuu leeyahay baaxad weyn oo ahayd goob lagu tobabarto, waxaana wali yaal qalabkii ciidanka lagu toobi jiray! Waxay kaloo indhahaagu qabanayaan garoomo loogu tala galay ciidanka, iskuulka ayaay ka baxeen sarakiil farabadan oo halgankii Somaliland ka qayb qaatay, qaarna wali ay iminka ciidanka ku jiraan!





