Ciidamo Ethiopian ah oo ku wada dagaalamay Degmada Ceelbuur
Oct 29, 2016 - jawaab
Wararka aan ka heleyno degmada Ceelbuur ee Gobolka Galgaduud ayaa waxa ay ku soo warramayaan in Ciidamo ka tirsan kuwa AMISOM gaar ahaan kuwa Ethiopoia ee qeybta ka ah Howlgalka Midowga Africa ee Soomaaliya ay ku wada dagaalameen degmada Ceelbuur ee Gobolka Galgaduud.
Goob Joogayaal ku sugan degmada Ceelbuur ee Gobolka Galgaduud ayaa xaqiijiyay in dagaalku ahaa mid aad u clus oo la isugu adeegsaday Hubka nuucyadiisa kala duwan.
Ciidamada Ethiopia ee ku wada sugan degmada Ceelbuur ayaa la soo warinayaa in maalmihii u dambeeyay ay u dhexeysay Xurguf xoogan.
Waxaana dagaalkooda uu saameyn ku yeeshay dadka degan degmada Ceelbuur ee Gobolka Galgaduud.




