Dhamaan muwaadiniinta Somaliland, iyo cidii kale ee dar ilaahay uga qayb qaadanaysa taakulaynta dadka abaarta ku caydhoobay, Waxa caawa badiba warbaahinta layska arko ee afka Somaliga ku hadasha ka socda barnaamij live ah, oo Lagu baahinayo dhibaatada ka jirta gobolada bari ee dalkeena. Waa baaq idinku aadan idinka, fadlan walaalayaal qof walawba waxad kari karto ku hagaaji akoonada GUDIGA ABAARAHA HEER QARAN ay ku leeyihiin Bangiyada iyo Adeega lacagta mobileda.
Hadii 2 million qof keliya bixiyaan min 1 dollar waa 2 million oo dollar. Bal maxaad u malaynaysaa hadii aad ka badin karto oo lacag intaas ka badan qofwalba bixiyo, qadaadiic aad hoover ka ku xaadho markad gurigaaga nadiifinayso ayaa wax weyn oo aanad qiyaasi karin noqon karta. Fadlan ha yaryaraysan isbedel kaad samayn karto.
Kani waa Zaad ka gudiga Abaaraha ee aan caawa ka qortay shaashada TV ga qaranka.
ZAAD : 4720222
Acounts kale shaashada kamaan qoran laakiin waxad ka heli kartaan halkan iyo meelo kaloo badan.
http://hadhwanaagnews.ca/detail.aspx?id=175071




