
Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa Xaalad Deg Deg ah galiyay dalka Soomaaliya kadib markii uu xilalkii ka qaaday Taliyaasha ciidamada iyo Gudoomiyaha Gobolka Banaadir.
Madaxweynaha oo la hadlay Warbaahinta goordhow ayaa sheegay in isbadal lagaliyay dalka Soomaaliya islamarkaasina Xaalad Deg Deg ah uu ku soo rogay.
Madaxweyne Farmaajo oo labisan dharka Ciidamada ayaa sheegay in isbadalkaan uu noqonayo mid guul u horseedi doono shacabka Soomaaliyeed.
“waxaan ka codsanayaa shacabka Soomaaliyeed in ay la shaqeeyaan taliyeyaasha cusub ee la magcaabay, waxaana farayaa dhammaan ciidammada Qalabka Sida in ay heegan buuxa galaan, si uga jawaabaan ficillada cadowga ugana saaraan dalka oo dhan” ayuu yiri madaxweyne Farmaajo.
Dhanka kale Madaxweyne Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa u qabtay muddo 60 Cisho ah in ay isku soo dhiibaan Al-Shabaab, dowladana ay cafis u fidin doonto.






